Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti oo gaaray B/weyne

November 25, 2012 - Written by

Hiiraan:-Waxaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka HiiraanTaliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti iyo wafdi uu horkacayo waxaana magaalada B/weyne  ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan DFS iyo kuwa AMISOM .

Wafdiga ka socda AMISOM ayaa waxaa ay u tageen magaalada B/weyne in ay soo qiimeeyaan xaalada Amaanka ee magaalada iyo xarumaha ciidamada Jabuuti ee ka socda AMISOM ay kala wareegeen ciidanka dalka Itoobiya .

Taliyaha ciidamada AMISOM Anderw Gutti ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxaana uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM

no images were found

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaas oo ka socda dalka Jabuuti waxaa sidoo kale duleedka magaalada ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah oo markii hore ku sugnaa Beledweyne .

Waa markii ugu horeysay oo uu taliyaha AMISOM booqdo meel ka baxsan magaalada Muqdisho waxaana afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan  uu shalay warbaahinta u sheegay in dardar galin doonaan howlgalada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online