Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo ka hadlay Afduub ka dhacay Gaalkacyo.[Dhagayso]

November 22, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Mudug G/sarre Jaamac Maxamed Axmed oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa waxaa uu ka warbixiyey dad rayid ah oo la socday baabuur oo afduub loogu geystay Koonfurta Gaalkacyo oo ay maamulaan Gal-Mudug. Taliyaha  ayaa waxaa uu afduubka loo geystay dad rayid ah waxaa uu ku tilmaamay wax fool xun oo ka fog dhaqanka Soomaalida isagoo eeda afduub ka dusha uga tuuray koox uu ku tilmaamay Argagixiso doonaysa in ay iska horkeenaa dadka shacabka ah ee wada degan Gaalkacyo si aysan u fahmin dhagaraynta iyo dilalka qorshayn oo ay kooxdaas la beegsanayaan dadka wax ku oolka u ah bulshada reer Gaalkacyo.

Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Mudug G/sarre Jaamac Maxamed ayaa yiri ”waan la soconaa in duulaanka iyo dilkii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay ka danbeeyaan kuwii aan qabanay madaxdoodii dadka in la dilo amri jiray ayna u socdaan kuwii amarka fulin jiray in ay dadka shacabka ah ka aargoos taan balse aysan ku dhicin in ay soo wajahaan ciidanka amaanka oo dagaal kula jira wadan howl galo lagu baacsanayo kuwo badan qabtay ilaa hadda.

Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Mudug G/sarre Jaamac Maxamed Axmed Sandaqa ayaa xusay in Madaxda Maamulka Gal-Mudug ay wada hadleen meel fiican ay wax isla marinayaan ayna rajaynayaan in dadka la afduubay xoriyadooda loo soo celiyo aan lagu kadsoomin kuwa doonaya in dadka reer Gaalkacyo ay iskaga horkeenaa si ay arrinkaas uga faa’iidaystaan.

Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Mudug  ayaa mar uu ka hadlay 2 nin oo dhawaan ay qabteen ciidanka Booliska ee Gaalkacyo ay wuxuu sheegay in labadaas nin ay ahaayeen 2 niiman ka tirsan ururka Al-shabaab ayna ku qabteen hub iyo walxaha qarax oo la doonayey in lagu qarxiyo Hotelada iyo goobaha kale ee dowllada si loo fuliyo qaraxyadii horay uga dhacay Muqdisho oo lagu laayey Madax ka tirsan DFS iyo dad shacab ah isagoo ku dooday in 2 qof oo ay qabteen ciidanka ay cadaymo u hayaan ayna kala hadli doonaa maamulka Gal-Mudug.

Ugu danbayntii ayaa Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Mudug waxaa uu beeniyey in dad ka soo jeeda dhinac Gal-Mudug lagu afduubay Waqooyiga Gaalkacyo isagoo xusay in arrinkaas beenta ah ay faafinayaan kooxaha dilalka ka fulya Gaalkacyo oo intooda badan lagu qabtay  maalmihii u danbeeyey Degmada Goldogob, Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo dhawaana maxkamada la soo taagi doono.

Hoos ka Dhageyso Waraysigii Radio Daljir la yeeshay Taliyaha ciidanka booliska Gobolka Mudug

[audio:https://halgan.net/Mp3/WaraysiTaliyaha Gobolka Mudug.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online