Waji ka feydid cod laga soo jaray Wareysi uu Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax uu siiyey Radio Garowe Oct 5 2008.[Dhagayso]

November 20, 2012 - Written by

Wax lala yaabo ma ah in qofkii been abuurka xalaashada uusan ka sariigan in uu sameeyo been abuuro kale oo uuna ka sameeyo culimada Soomaaliyeed ee lagu yaqaanay cilmiga iyo dowrkii weynaa ee ay ka soo qaateen fidinta dacwada Islaamka ee gayiga Soomaaliya iyo in uu soo googooyo codka culimada isagoo aan ilaalin amaanada waan wax la filanayo in dhaqankaas xun ee ka fog akhlaaqada iyo qiyamka diinta Islaamka uu sii wado . Haddaba mid ka mid ah mareegaha Internetka ee lagu caayo culimada Soomaaliyeed kuna shaqaalaysan arrinkaas ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa ay aflagaado iyo cay la daba galeen Allaha dhowree fadiilatu Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya cilmi ahaan iyo da,ahaanba.

Codka Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ee la soo jaray ayaa waxaa la doonayey in lagu beeniyo warbixin ay  soo diyaariyeen gudiga madaxa banaan oo dhawaan warbaahinta Soomaalida ku faafiyey natiijo ay ka soo saaareen cid ka danbaysay dilkii Shiikh.Dr Axmed Xaaji Allaha u naxariistee,beeninta warbixnta ay soo saareen gudiga madax banaan ayaa waxaa ay u taal cid ay eeda u jeediyeen oo leh madax iyo masuuliin la yaqaan oo inta badan saxaafada ka beeniyey warar iyaga loo tiiriyey.

Barta- Internetka ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ay soo kala jareen  codadd ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed gaar ahaan Shiikh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo daba gal ka dib markii aan ku samaynayna ay ku fadeexoobeen been abuurkii ay soo dhoobdhoobeen, Waxaa xusid mudan in aan akhristayaasha aan dib u xasuusino Cajalka laga soo jaray codka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha dhowree isaga iyo culimada Soomaaliyeedba , codka Shiikh Cabdqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa laga soo jaray tacliiq kooban oo uu ka jeediyey Muxaadarado uu jeediyey Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed kana jeediyey Nadwo cilmiyeed ka dhacday magaalada Qardho, 17 ilaa 23 bisha July, 2009 kii oo uu Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed uga hadlay isku xukunka Kitaabka Alle iyo Sunadiisu in ay tahay waajib.

Codka Sheekh Cabduqaadir Nuur faarax ee la soo jaray ayaa waxaa lagu soo beegay waqtigaas xili ay magaalada Garoowe ka dhacaysay in la ansixiyo Dastuurka Puntlland si dadka Muslimiinta ah loo khaldo balse alle mahadiis howl wadeenada Halgan.net ayaa beentaas qabtay soona bandhiga  meesha laga soo jaray codka ,waqtigiisa iyo in aysan ahayn hadal cusub oo uu leeyahay Sh cabduqaadir Nuur Faarax oo taas oo ay akhristayaal badan ka yaabisay iyo qof walba oo wax uun diin ah ay celinayso.

Been abuurada uu ku faafiyey shaqsigaas bartiisa Internetka ayaa kuwii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa in Shiikh Cabdul qaadir Nuur Faarax uu u mahad celiyey Mahiga ,Uganda, Burundi, Itoobiya, iyo Beesha caalamka arrinkaas oo mid ka mid ah mareegihii ka soo xigtay uu ka bari noqday markii danbe cafisna uu wiidiistay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax raali gelin ay ka bixiyeen arrinkaas.Halkan ka Eeg 

 Halkaan ka eeg Shabakaddaha faafiya beenta iyo cayda culimada oo soo kala gooyey muxaadaro uu lahaa Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax (Dhagayso)

Waxaa iyana xusid mudan in codka  la soo geliyey bartaas Internetka ee ku shaqaalaysan cayd iyo been abuurka culimada uu ahaa waraysi uu Sh Cabduqaadir Nuur Faarax siiyey Radio Garoowe bishii Oct 5,2008  iyadoo waraysiga Shiikh laga soo gooyey qayb ka mid ah inta kalena laga tegay taas oo ku tusinaysan amaano xumid iyo isku kalsoonaan la ,aanta kuwa dhaqanka ka dhigaty cayd culimada , waxaa kale oo intaas sii dheer in aan la sheegin xuquuqda iyo cida waraysigaan gaar uu u ahaa ee Radio Garoowe taasna waa tuuganimo kale iyo buracadnimo qaawan. Halkaan ka Dhagayso Sh Xassan Daahir oo ka digay culimada caydooda kuna baaqay in Axaadiista lagu hayso Sh.Xassan Takar uu meel saaro.(Dhagayso)

Bal wax yar aan dul istaag ku samayno codka Shiikh Cabdulqaadir  Nuur Faarax ee laga soo jaray waraysi uu siiyey Radio Garoowe

Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo culimada kale ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku dadaaleen in ay islaaxiyaan Umada Soomaaliyeed intii tabartood ah, haddaba  bishii Oct 5 2008 ayaa waxaa ka dhacay amni xumo baahsan magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaan dhacay falal danbiyeedyo waaweyn sidda in gabdhaha la kufsado, dilal joogta ah , dhac loo geysto dadka degan Garoowe iyo kuwa musaafirka ah sidaas darted ayaa Sh Cabduqaadir Nuur faarax Waxaa uu maalin jimco ah ka hadlay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe waxaan uu dad weynaha ugu baaqay in si deg deg ah wax looga qabto amniga oo culimo , caamo iyo Isimaba la is kaashado arrinkaas oo ay Isimadu soo dhaweeyen lana sameeyey gudi ka kooban bulshada kale duwan ee nool Garoowe loona bixiyey gudiga amniga oo madax looga dhigayo Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ,Isimo  iyo waxgarad kale.

Gudiga ayaa waxaa uu howshiisa bilaabay si madax banana  iyagoo odayaasha ,culimada iyo waxgarad kale kulamo ay iskugu yimaadeen ka dooday in dowlladu ay waxba ka qaban weyday amniga sidaas darteedna loo baahan yahay in dadweynaha la wacyi galiyo si amniga iyo nabad gelayada loo sugo.

Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garoowe ayaa waxaa uu uga waramay wax u qabsoomay gudigooda iyo wax ay qabteen iyo in gudiga uu howl fiican qabtay ayana sameeyeen ciidamo madani ah  oo ay soo aruuriyeen kuna xoojiyeen xubno ka mid ah Booliska Garoowe si wada jir ah amniga wax looga qabto.

Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu waraysigiisa ku sheegay in ay jiraan ciidamo beeleed ama daraawiish oo amni xumo ku haya magaalada sameeyan dhac iskuna rogay burcad  dadka furta waxaan uu dowllada iyo waxgaradka ugu baaqay in wax laga qabto haddii kale uusan amniga magaalada uusan hagaagi doonin.

Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in gudigoodu yahay mid ay dhiseen isimada iyo nabadoonada ka dib markii ay kulan iskugu yimaadeen ayna arkeen in ay muhiim tahay in wax laga qabto amniga. Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay kuna celceliya in gudigoodu uusan ahayn  mid leh damac siyaasadeed balse dantoodu ay tahay in amniga ay wax ka qabtaan maadaama maamulka uu waqtigaas wax badan ka qaban waayey amaanka oo uu galay habac baahsan, Shiikh ayaa si cad u sheegay in maamulka ay kala shaqayn doonaa wax ka qabadka dhinac amaanka isagoo codsaday in ciidanka madaniga ah iyo Booliska lagu taageero Tiknikada aysan haysan sidda baroomada.

Halkaan ka Dhageyso Waraysigii Radio Garoowe 2008 la yeeshay Sh.C/qaadir Nuur Faarax 5 Oct_2008  [Source Radio Garoowe] bal akhristow i sii wiidiiya sababta ka danbaysa in waraysiga la kala gooyo si loogu adeegsado
cayda qof muslin ah haddana ah Shiikh Soomaaliyeed oo ku ciraystay faafinta diinta!

[audio:https://halgan.net/Mp3/Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadley amaanka Nugaal 5 Oct_2008.mp3] ama Halkan

Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu caan ku yahay oo culimo badan oo soomaali ah kaga duwan yahay in mowqifka uu u arko in uu diiniyan ugu qanacsan yahay  uu soo bandhigo kana gaban isagoo Sheekhu lagu xasuuso mawaaqif badan oo soo maray dacwada Soomaaliya oo ka qaatay mowqif geesinimo leh waxaan ka xusi karnaa.

1- Fikrigii Takfiirka ee mar dacwada sigay in uu burburiyo.
2- Qaraxyada iyo dilalka  lala beegsado dadka ka soo baxay ama galaya Masaajida.
3- Dagaalada ay wadaadadu galeen 1992.

Sidoo kale waxaa khudbad dhinacyo badan ka hadleysa ka jeedshay kulankii ugu horeeyey ee looga hadlo amaanka Magaalada Garoowe 2008 Sheekh C/qaadir Nuur Faarax isaga oo canaan u soo jeedshay Maamulka Puntland wuxuuna sheegay in uu ka quustay in ay wax ka qabtaan amaanka magaalada Garoowe. Shiikh Cabduqaadir Nuur ayaa hadalo adag u jeediyey maamulka isagoo ku eedeeyey in ay qayb ka yihiin amaan xumid jirta waxna ay ka qaban waayeen

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Suldaan Saciid Garaase oo ka mid ah Isimida Puntland gaar ahaan gobalka Nugaal wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan in wax laga qabto amaanka Garoowe ayna iska kaashadaan dhamaan bulshada ku dhaqan Garoowe.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Sh.C/qaadir Nuur Faarax iyo Suldaan Garaase oo ka hadlaya shirkii lagu soo dhisay Gudiga amaanka Gobolka Nugaal [April 20_2008 [Source Radio Garoowe]

[audio:https://halgan.net/Mp3/shirkii odayaasha iyo culimada Nugaal.mp3] ama Halkan

Sh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu qayb ka qaatay joojin colaado badan oo ka dhacay degaanada Puntlland waxaan uu ka soo jeediyey baaqyo nabadeed waxaa xusid mudan in colaadii ka dhacay Gaalkacyo, uu culimo uu hogaaminayo ay qayb ka qaateen islaax in ay dhex dhigaan bulshada reer Gaalkacyood oo ay si nabad gelyo ay haatan ku naaloonayaan.

Sh C/qaadir Nuur Faarax ayaa baaq ka soo jeediyey  colaada Gaalkacyo isagoo ka digay dilalka qorshaysan ee loo geysanayo dadka muslinka ah ee Masaajida lagu u gaarsanayo isagoo dhinac kalena dhaliil adag u soo jeediyey weerar lagu qaaday 2 masjid oo ku yaal magaalada Gaalkacyo wuxuun Sheekhu waqtigaas xusay in aysan arrimahaas aysan banaanayn.

Hoos ka Dhageyso Baaqii uu Sh.C/qaadir Nuur Faarax ka jeediyey  dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

[audio:https://halgan.net/Mp3/baaq.mp3] ama Halkan

Ugu Danbeyn waxaa u soo jeedineynaa kuwa dhaqanka ka dhigtay caayada Culumada in ay alle ka baqaan oo ay ogaadaan in ay sugayso geeri qof walbana la xisaabin doono hana ogaadaan dulmiga qof muslin ah gaar ahaan culumo ah in ay tahay danbi weyn oo qofka uu ku cadaab mudan karo waxaa kale oo xasuusineynaa in marka been lagu qabto ay ka toobad keenaan oo aysan beentii iyo dulmigii ku darsan in ay beelo iyo deegaano ay u gafaan .

M_M_Deeq
Garowe
Halgan.net

19 Comments so far

Leave a comment

  1. Waxaa la yaab leh ragga cod been ah ka abuuraya sheekh ay dadka dhageystaan, ka dibna codka si qaldan u isticmaalaya. Maxay ka faa’idayaan been ay u sheegaan dadka?
    Intaas waxaa kaaga daran, kuwa codka qaldan isticmaalaya waxay sitaan magac diinta suuban Islaamka. Ilaahow umada qabo dadka jaah wareerinaya

  2. A/C/W/W
    walaalayaal halgan.net waad mahadsan tihiin sida aad mar walba xaqa u difaacdaan iyo culimada alaah waxaan idin leeyahay alaah ha idin xifdiyo culimadana waxba ka qaadi maayaan dulmi falayaashu iyagaa duli ku dhacayaa dulmiilayaasha insha alaah sheekh abulqaadir iyo culimada la mid ka ahna ilaah ha xifdyo. AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAMIIN.
    waad mahadsan tihiin.A/C/W/W.

  3. waan salaamayaa dhamaan walaalaha webka qora iyo kuwa soo booqda waxaan aad ula yaabaa qof isbaaro intuu hawada dhigtay leh been ma sheego maalin walbana la qabto beentiisa waxaa alle mahadiis ah in wajigoodii qabiixa ahaa uu soo baxay waxaana haya cuqdad qabiil oo adeerkood claahi baa xilka waxaa ka qaaday Shariif markaas bay gishteen shaar Al-Shabaab

    Al-shabaab waa rag mabda,a leh oo aan caaytamin culumadana waa culumadoodii haba is khilaafsanaadaane ee dadweynaha yey ku kadsoomin kuwan yurub ku dhaqan rogmay ee xanuunsan.
    bye Muumin

  4. Salaamu Calaykum.
    Mashaalah ilaahay ha dhowro sheeekh alwaalid Cabdulqaadir Nuur faarax kuwa beenta ku shaqeysta iyo kuwa afuufa iyaga un bay dhibeysaa culumada waxba u dhimi meyso waa u ajar siyaaday.
    Salaamu calaykum

  5. Scw waan idin salaamay akhyaarta dhamaan wiilkii beenta lagu qabtay ma qabiil in uu caayo buu naf ka dhigtay , waxaan xasuustay gabayaa caan ahaa oo oran jiray

    nin Xarago is godayaa jiro oo gabari dhaantaaye
    Kuwii reer ciidamin jiray baa caaran waayadaanee
    Inagayba Cay nagu hayaan cidaha qaarkoode

    Intaaas wiilka beenlow ah baan ku tuurayaa wa kaftan

    Nabadeeeeeeey

  6. scw

    waxaa wax lagu farxo in la hello dad ka shaqeeya kheyrka difaacana culimada soomaaliyeed ee ka shaqeeya kheyr iyo islaaxa Umada , kuwa culimada caaya haddii aad arki lahaydeen yaab baad u dhiman lahaydeen
    allaha soo qabto kuwa dhaawacaya sharafta diinta iyo culimada

    ws

  7. Salaamu calaykum yaa jamaaca .

    aad baad u Mahadsan tihiin Halgan.net waxaase wax laga naxo ah qof been low ah oo ku sii indho adag beentiisa ,sow ma oga in la xisaabin doono maalinta qiyaamaha allow na cafi

    ws

  8. asc…..waxaan aad ugu faraxsanahay geesiyaasha khayrka ee maamulka Halga.net walaalayaal ALLAHA idin barakeeyo carabkiina ayaa xabad uga daran habaar qabayaashaas culumada caydooda shaqada ka dhigtay oo gaalada u adeega Sheekh C/qaadir ayay daba dhigteen iyaga oo aan culumada midna cafin hadana sheekha waxay u beegsadaan markasta waxay ogyihiin inuu hadal cadyahay oo uu san ka gabanayn xumaantoodana bulshada toosh ugu ifinayo, Sheekh C/qaadir da,daas wuxuu ku soo gaaray faafinta dacwada iyo suulinta munkarka marka wiil aan weligiis wax tarin inuu maalinkasta caydiisa la taagnaado waa mid uu ku hoogayo ……halgan na waa noo joogtaa ALLAHA khayr siiye oo waa cadaynaysa beentooda…… Mahadsanid walaalkeen Deeq….

  9. assalaamucalaykum warxmaullaahi wabarakaatuhu

    waxaan u mahdcelinyaa maamulka halgan, waxaana muuqanaysa been abuurka ay samaysanayaan alshabaab iyo burcad codeedka hadana ay san la xishoonayn si qaawan usamaynyaan, waxaan leehaay ha xishoodaan ilaahayna ha u noqdaanwax lasheego been ba ugaabisa, hana la socdaan in ilaahay ogyahay been abuurkana laga xisaabindoono, dad waynaha waxaan leehay ka dig tooonaada wax yaalahaas oo kale

  10. La xawla walaa quawata illaa billaah
    waxan la dhihi karaa kuwaas dembiga ay gurubsanayaa ka sakow waa caasiyiin waalidiin waa hadii ay diin dacwo salafiyah ku abatirsadaan
    waayo Sh C/qadir nur farah iyo culimada la midka ah allaha xafidee
    waa aabayaashii dacwa salafiya
    ilaahay waxan ka baryeynaa xunul khaatimah

  11. Salaamu Calaykum

    Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Maamulka Halgan.net kuwa ku wardiya caayda
    Culumada ikhsa lakum ayuhal juhaal alaha inoo daayo culumadeena

  12. Salaamu Calaykum

    Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Maamulka Halgan sida ay u dabar gooyeen tuugada caaya culumada hadana u soo jeestay in ay caayaan deegaano iyo Qabaa,il kala duwan waa dad jiran

  13. mashalaah illaah Ha idin xifdiyo Great job ayaad u qabateen umadiina bahda Halgan Waligiin Halgama Aad ayaad ugu mahad santihiin kuwii been abuurka kasameeytey sheekhana Allaah ayaa ka Abaal marin doona Inshalaah

  14. Salaamta islaamka walaalaha islaamka ahow.
    kuwaan wax ku qora somalimidnimo waa been lugo iyo gacmo leh shaqo kale ma leh in ay soo googooyaan codad sawiro beena isku dhajiyaan marka la qabto waxay dhahaan si cilmi ah baan uga jawaabeynaa kkkkk walee ceeb looma dhinto waa taksiile MN jooga wuxuu caynayaa sh cabdulqaadir iyo culumada soomaaliyeed kalaabna gaalada buu u qaadaa ilaahay ku soo qabay faasiq

  15. Asalaamucalaykumwaraxmatulaah

    Halgan.net walaalayaal ha ku mashquulina kuwaan yeysan wakhtigiina idinka mashquulin ma xishoodaan beena waa u dhaqan nin gaal kaa aaminsan in uu been kaa sheego maxay la tahay sheekha cabdulqadir alaha xifdiyo cadowgiisana cagta hoosteeda

  16. salaamulaahi ikhwani
    Waxaan la yaabay nimankan in ay jaajuusiin yihiin waxaa kuu cadeynaya Radio Andalus bay la hadlaan iyaga oo Yurub iyo Mareykan jooga lamana taabto gabdho masaakiin ah oo lacag u guray agoona xabsi baa lagu xukumay
    walee kuwaan Halgan baa alle ku saliday kkkkkkkkkkkkkkkkk
    good job

  17. sw
    Walaalayaal salaanta islaamka ka dib kuwaan waano in ay qaataan lagala quusay waxay rabaan maxkamad Islaam ah in la saaro balse tii alle baa u danbeysa alaha dhowro Sheekh abduqadir iyo culumada kale oo dhan
    mahadsanidhiin halgan ku halgama beenaalayaaasha

  18. salaamu calaykum walaalayaal
    Aad baan ugu mahad celinayaa walaalaha Halgan.net sida ay u difaacayaan mar walba culumada Soomaaliyeed Sheekh C/qaadir Nuur faarax ninka caayey isaga is caayey walee Sheekhu ceeb ma leh hadii uu yiri amniga baa xumaaday mamulikiina wax qaban waa maxay rabeen kuwa culumada caaya waxaan leeyahay xiqdigiina u dhinta

  19. scw
    Waa wax laga xumaado in qof muslin sheeganaya uu banaysto cayda culimada
    gaar ahaan kuwa lagu yaqaan kheyrka iyo mirihii dhalinta ay soo saareen
    Allaha na cafiyo dhamaanteen
    ws

Leave a comment

*