Wasaarada Amniga ee Puntland oo faahfaahin ka bixisay howlgalo Gaalkacyo laga fuliyey(Masawiro)

November 18, 2012 - Written by Editor

Garoowe:-Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil ayaa maanta waxaa uu shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa waxaana uu ka hadlay howlgalo ay ciidanka Puntland ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo wuxuuna wasiirku sheegay in ay xubno muhiim ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen.

Wasiir xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil ayaa waxaa uu sheegay in xubnaha la qabtay ay ka mid yihiin kooxaha amniyaadka ee dilal badan ka fuliyey magaalada Gaalkacyo wuxuuna cadeeyey in ay howlgalada sidoo kale ku qabteen hub kala duwan.

Wasiir xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil  ayaa sheegey in shalay in  ay ciidamada amaanka ee Puntland hawlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku dhigeen Maxamud Nuux Aadan (Abu Xafsa) oo kooxda Al-shabaab u qaabilsan  dilalka iyo qaraxyada waxaa kale oo uu ahaa madaxii ilaalada ee Ahmed Godane hogaamiyaha Al-Shabaab sidaa waxaa yiri wasiirka . Waxaa kale oo ay ciidamadu gacanta ku dhigeen Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ilkacase) oo ah madaxa Saadka iyo Sahayda ururka Al-shabaab.

Wasaarada Amniga ee Puntland ayaa waxay saxaafada u soo bandhigtay hub ay ku qabatay howlgalo ay shalay ka fulisay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxay kala yihiin hub ay soo bandhigtay wasaaradu.

1-Jaakad ah  kuwa la isku qarxiyo ah

2-Bam gacmeedka F1

3-Baaruuda laga sameeyo walxaha qarxa TNT

4-Daasado lagu diyaarshay walxaha qarxa

5-Telfano iyo Rumuudka wax lagu qarxiyo

6-Saacado ,Batariyo ,Fiilooyin iyo Fiyuuska wax qarxiya.

Wasiir xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil  ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amniga ay howlgalo ka sameeyeen xalay deegaanka Buraan ee gobolka Haylaan waxayna gacanta ku soo dhigeen ilaa 9 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab .Ugu danbeyntii ayaa Wasiir xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil  ayaa  amaan u jeedshay ciidamada amaanka ee Puntland wuxuuna baaq u jeedshay shacabka Puntland isaga oo ugu baaqay in ay ciidamada ay la shaqeeyaan amnigoodana ku faro adeygaan.

Hoos Ka Dhageyso Shirjaraa,id oo uu wasiir ku xigeenka Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismail uu ku qabtay magaalada Garoowe

[audio:https://halgan.net/Mp3/xareed.mp3]

warsaxaafadeed

M_M _Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Maansha allah guul wanaqsan reer puntland amnigiina ilaalsada dowlad iyo shacab

Leave a comment

*