Wasiirka Caafimaadka Puntland oo eedeyn u soo jeediyey Dr.Cabdiweli Gaas

November 9, 2012 - Written by

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr.Cali Warsame Cali ayaa eedeyn kulul u jeediyay R/W -hore ee DFS Prof.Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas, Wasiirka ayaa ku eedeeyey Gaas in uusan waxba u qaban Puntland xiligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha  DFS.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr.Cali Warsame Cali ayaa sheegey in Dawladda Somalia ee uu xilka ugu sareeya uu ka hayey Cabdiweli Gaas aysan ka soo gaarin wax kaalmo caafimaad ah isaga oo xusay in dhaqaalo badan iyo kaalmo caafimaad ay heli jirtay dowlada Federaalka Ee Soomaaliya , hase ahaatee, aan Puntland la siin wax tixgalin ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland ayaa waxaa kale oo uu xusay in Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland uu tagay magaalada Muqdisho si kaalmada caafimaad ay xaqa u leedahay Puntland uu u soo qaado balse ay dowladii R/W Gaas xitaa gaabili weysay .

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Warsame Cali ayaa wuxuu sheegay in horumarka iyo mashaariicda caafimaad oo ay wasaaradiisa ka hergalisay Puntland aysan wax taageero ah ka geysan xukuumadii R/W Cabdiweli Gaas balse ay ka heshay Beesha Caalamka iyo hay,daha deeqada bixiya.

Dr.Cali Warsame Cali  Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay eedeynta uu R/W- hore ee DFS   Cabdi weli Maxamed Cali Gaas uu u soo jeediyey Puntland wuxuuna yiri ha la weydiiyo dowladii Cabdiweli lacagtii ay dowlada Spain ugu deeqaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo gaareysay aduun dhan $405,000 doolar xagee bay martay waxay dhacaday xukuumadiisa iyada oo lacagtaas na soo gaarin.

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland ayaa sheegay in xukuumadii R/W Cabdi weli ay heshay fursado badan oo ay ka mid ahaayeen qalab farabadan oo caafimaad in caalamka laga helay,Tababaro caafimaad oo laga helay Turkiga iyo xitaa dib u habeyn dhismayaasha Isbitaalada ka jira Soomaaliya oo aysan Puntland helin.

Raisulwasaarihii Hore ee Cabdi weli Gaas ayaa isbuucii la soo dhaafay ku eedeeyey dowlada Puntland in ay caburisay shacabkeeda waxna aysan ka qaban adeegyada kala duwan sida caafimaada,wadooyinka ,iyo arimo kale oo badan wuxuuna baaq u diray Isimada Puntland kuwaas oo ah ubaddhexaadka ay ku taagan tahay Puntland.

M_M_ Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online