Wasiirka Dalxiiska ee dalka Kenya oo yiri Ka bixiddeenu waqti ma laha (BBC Dhageyso)

November 8, 2012 - Written by

London:-Wasiirka Dalxiiska Kenya, Danson Mwazo ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya yahay mid aan cayineyn oo aan waqti lahayn.Wasiirku, waxa uu sheegay in aan waqti loo qaban karin ka bixitaanka ciidankooda ee Soomaaliya, waxaana uu sabab uga dhigay inay dagaal kula jiraan argagixiso.Waxa uu sheegay in al-Shabaab ay qoratay dhallinyaro Kenyan ah, oo fursad shaqo la’aan awgeed ay ugu biireen.

Danson, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay wafdi Madaxweynaha Soomaaliya u diray Kismaayo oo laga celiyay inay galaan magaalada Kismaayo, oo uu sheegay inay ahayd in qabanqaabo la sii sameeyo.

Waxa uu beeniyay eedeymaha ku saabsan in maliishiyo beeleed ay gacan siinayaan.Wasiirka, Danson Mwazo, waxa uu ka hadlay dhibaatada ka soo gaartay daxiiska Kenya dagaalka al-Shabaab ay kula jiraan, oo uu sheegay in boqolkiiba laba hoos u dhac ku yimid dalxiiska dalka Kenya ammaan darida iyo weerarada ka dhaca Kenya darteed.

Wasiirka, ayaa waxa uu sheegay in weerarrada al-Shabaab ay saameyn ku yeesheen dalxiiska guud ee dalka, laakiin waxa uu sheegay in meelaha qaar ay daran yihiin saameynta ay ku yeesheen, sida Mombasa oo kale.

Halkan ka Dhageyso wareysi BBC-da ay la yeelatay Wasiirka Dalxiiska ee dalka Kenya

BBC

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online