Wasiirka Maaliyadda DFS oo booqday Dekada magaalada Muqdisho(Daawmasawiro)

November 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta  Maxamuud Xasan Suleemaan ayaa maanta booqashiidii ugu horaysay intuu loo magaacabay xilka ku tagay Dakada Caalamiga ah ee Muqdisho isagoona u kuurgaliyey sida ay u shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dakadu.
Dakada weyn ee Muqdisho oo ah isha uu dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo dowladda ayaa  waxaa hada ka socda howlo baaxad leh iyadoona ay  ku xiran yihiin Maraakiib waa weyn iyo Doomo sida badeecadooyin kala duwan, waxaa sidoo kale agagaarka dakada fadhiya maraakiib iyo doomo kor u dhaafaya shan iyo toban oo sugaya halkii ay kaga xiran lahaayeen Dakada.

Ugu horayntii Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Soomaaliya Mudane: Maxamed Xaaji Maxamuud “Layloon”  ayaa ka warbixiyey  sida ay u shaqayso Dakada.

“ Dakada waxay hada maraysaa xiligii ay ugu mashquulka badnayd waxaana ku xiran maraakiib iyo doonyo kala duwan, waxaana jira dhibaatooyin ku saabsan dhanka dajinta badeecooyinka maadaama ayasan ku imaanin konteenro waxay qaadataa mudo in laga dajiyo markabka, qalabka hada ka shaqeeya dakada oo loo isticmaalo wax dajinta waa mid kiro ah badankiisu, waxaa lagama maarmaan ah in la helo qalab casri ah oo daboola baahida ka jirta Dakada, waxaa sidoo kale ku howlanahay sidii is badal loo samayn lahaa qaabka loo qaado canshuuraadka” ayuu yiri mudane Layloon.

no images were found

 

Sidoo kale Maareeyaha dakada ayaa sheegay in alaabta dakada ka dagta aan lagu xarayn Bakhaarada ku yaal dakada waxaana sabab u ah iyadoo bakhaaradaas ay isticmaalaan Hay’adaha Qaramada miyoobay iyo Turkiga, wuxuu kale oo Mareeyuhu sheegay in ay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo raba inay badeecada ku keenaan konteenaro si taas u suurto gashana waa in adeegyada loo baahan yahay iyo qalabkii dajin laha konteenarada in lagu soo biiriyo Dakada.

Ugu danbaynti Wasiirka Maaliyada ayaa booqasho ku soo kala bixiye dhamaan qaybaha ay ka koobantahay Dakadu sida, Qaybta Maamulka Furdooyinka, Qaybta Bangiga, Xarunta Booliska, Bakhaarada iyo Qaabka ay u dagayaan Maraakiibtu. Wuxuuna wasiirku kula hadlay saxaafada Dakada dhexdaada isagoona sheegay in Dowlada cusub ay hada iyo wixii ka danbeeya ay wax ka qabn doonto baahiyaha kala duwan oo ka jira Dakada, wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalaha ka shaqeeya maamulka dakada la siin doono tababaro si kor loogu qaado tayadooda shaqo.

Axmed Farax
Muqdisho
dhoodi222@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online