Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka jawaabay Eedeyntii C/weli Gaas (Dhageyso)

November 6, 2012 - Written by

Garoowe:Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa markii ugu horeysay si kulul uga jawaabay eedeymo uu Pro.Cabdi Weli Gaas u soo jeediyey Maamulka Puntland mar uu wareysi siiyey galabta idaacada Laanta afka Soomaaliga ee VOA.
Wasiirka warfaafinta ee dowlada Puntland ayaa ku tilmaamay eedeymaha uu Pro.Cabdi Weli u soo jeediyey madaxada Puntland mid si cad u qeexeysa waxqabadkiisa xiligii uu ahaa Raisulwasaaraha DFS .

Wasiirka Warfaafinta Ee Puntland ayaa ganafka ku dhuftay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyey dowlada Puntland oo ay ka mid ahayd in ay rabto in ay xilka kororsato iyo in ay caburisay saxaafada ,shacabka .
Wasiirka Warfaafinta Ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku eedeeyey Raisulwasaarihii hore ee DFS Pro.Cabdi weli Gaas in uu xanibay oo uu is hortaagay deeqo caalami ah iyo mashaariic laga fulin lahaa Puntland sida dayactirka wadooyinka ,Dekeda waxaa kale oo u horistaagay deeqo waxbarasho oo ay xaq u lahaayeen ardayda Puntland .

Mar Wasiirka Warfaafinta Puntland la weydiiyey xil kororsiga ay wadaan Madaxda Puntland ayaa wuxuu ku jawaabay in Bishii April ee la soo dhaafay si rasmi ah loo ansixinayey dastuurka Puntland waxaana goobjoog ka ahaa ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenkiisi ahaana wasiirka Ganacsiga ee DFS Ugaas Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ,Wasiiru dowlihii Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale iyo wasiiru dowlaha xafiiska Raisul wasaaraha Cali Nuur Ducaale iyo beesha Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale diiday in shacabka iyo saxaafada lagu caburiyo Puntland wuxuuna tusaale u soo qaatay socdaalkii uu Raisulwasaarihii hore ku marayey Puntland isaga oo sidoo kale qabanayey shirar iyo kulamo siyaasadeed cid ka horistaagtayna aysan jirin.

Ugu danbeyntii ayaa wasiirka warfaafinta ee Puntland ayaa ka digay in lagu talaabsado wax kasta oo keeni kara in khalkhal la galiyo amniga Puntland wuxuuna sheegay in dowladiisa ay wado sidii looga bixi lahaa nidaamka qabaliga ah looguna gudbi lahaa nidaamka axsaabta badan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga ay VOA la yeelatay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir
[audio:https://halgan.net/Mp3/Dirir.mp3]
Isha Maqalka VOA

M M Deeq
Garoowe
Isha Maqalka VOA

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online