Xukuumada Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo codka kalsoonida la siiyey

November 13, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta kulan isigu yimid Xildhibaanada golaha Baarlamaanka DFS waxaana kulanka maanta ka soo qeyb galay Madaxweynaha DFS iyo Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon waxaana kulanka maanta codka kalsoonida loo qaaday wasiirada cusub ee DFS.

Xildhibaanada Baarlamaanka  dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey xukuumada Raisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Kulanka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa furay gudoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Cismaan Jawaari wuxuuna xildhibaanada u sheegay in cod loo qaadayo xukuumada DFS.

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 225 waxaana uu gudoomiyaha ka codsaday in gacan taag loogu codeeyo xukuumada Raisulwasaare Saacid waxaana codka kalsoonida siiyey 219 xildhibaan waxaana ka aamusay 3xildhibaan  waxaana diiday 3 kale.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda DFS Cabdi Faarax Shridoon, ayaa xildhibaanada uga mahad celiyey kalsooni ay siiyeen waxaana uu balan qaaday in ay xilkooda u gudan doonaan si daacad ah .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online