3 Qof oo caawa lagu dilay magaalada Gaarisa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari

December 20, 2012 - Written by

Gaarisa:-Waxaa caawa koox hubeysan ay ku dileen magaalada Gaaris ilaa 3 qof  , saddexda qof ayaa labo ka mid ah waxaa ay  ka tirsanaayeen Shaqaalaha Bangigga  dowllada Kenya , halka qofka saddexaadna uu ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta ee dalka Kenya.

2-da shaqaale  ee ka tirsanaa Shaqaalaha Bangigga dowllada Kenya ayaa waxaa lagu dilay  baar lagu caweeyo oo la yiraahdo DRC Club halka  qofka u shaqaynayey wasaarada warfaafinta Kenya lagu dilay isagoo maraya jidka Kenyatta Avenue ee magaalada Gaarisa.

Waxaa jiray qof 4aad oo iskagu ku dhaawacmay weerarkaan waxaan la geeyey  Garissa Provincial General hospital oo lagu daweynayo
weerarka kooxdaan hubaysan ay geysteen ayaa waxaa uu ka dhacay ilaa 2 goobood oo isku jira ilaa 300 m.

Kooxda hubaysan ee dilka fuliyey ayaa goobta ka cararay  markii ay dilka geysteen, wax yar ka dib ayaa waxaa goobta dilku ka dhacay waxaa soo gaaray ciidanka Booliska ee magaalada Gaarisa waxaan ay bilaabeen baaritaan iyo howl gal ay ku raadinayaan kooxda dilka
geystay. Dilka ka dhacay caawa magaalada Gaarisa ayaa ah mid qorshaysnaa oo kooxda dilka fulisay ay labo goobood oo isku dhow ka fuliyeen dilka ka dibna baxsaday.

Dilalka iyo qaraxyada ayaa waxaa ay ka dhacayaan degaanada ama magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida arrinkaas oo abuurtay shaki weyn oo ku aadan cid ka danbaysa dilalka iyo qaraxyada  iyadoo dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin la kulmaan markii uu qarax ama dil uu ka dhaco magaalooyinka Gaaris iyo Nairobi. Halkaan ka eeg  warbixinta ay ka qortay dilka caawa  Standardmedia

Dhinac kale Warbixin uu caawa ka qoray saddexd qof ee lagu dilay magaalada Gaarisa Wargeyska Nation ayaa waxaa uu sheegay in qof hubaysan uu toogasho ku dilay 3 qof oo ka soo baxay Masjid ku yaal Gaaris oo lagu magacaabo Jamia Mosque

Wargeyska Nation ayaa xusay in weerarku uu ka dhacay banaanka Baar  lagu caweeyo oo ku yaal faras magaalaha  saacadu markii ay ahayd 7:30 p.m Halkaan ka eeg warbixinta oo Wargeyska Nation ka qoray dilka caawa ka dhacay Gaarisa

 C/casiis Mohmed
Halgan.net, Nairobi

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online