Ururka Al-shabaab oo dib isaga waabiyey weerar ay soo qaadeen ciidanka huwanta

December 7, 2012 - Written by

Jowhar:-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareed ku sugan gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo qorsheynayey in ay weeraraan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/ dhexe ay joogsadeen ka dib markii ay weerar kala hortageen ciidamada Al-Shabaab.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa wadada u galay ciidamo sahan ah oo ka socday kuwa AMISOM iyo kuwa DFS waxaana dagaal culus uu ku dhexmaray laba dhinac duleedka deegaanka Booroow ee Gobalka Shabeelaha Dhexe . Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa ka gurtay duleedka Booroow ee Gobalka Shabeelaha Dhexe halka ciidamada Al-shabaab ay difaac ka xirteen deegaanka Booroow iyo Congo Gobolka Shabeelaha Dhexe .

Wararka ugu danbeeyey aan ka helayno gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in gurmad badan uu soo gaaray labada dhinac lagana cabsi qabo in dagaal culus uu dib u qarxo maalinta birito ah.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe ayaa sheegayaa inay ka cabsi qabaan in  dagaalka uu ku soo fido gudaha magaalada Jowhar. Sarkaal ka tirsan DFS ayaa sheegay in ay weerar qaadeen ciidamada ka tirsan DFS iyo AMISOM  deegaanka  Booroow wuxuuna ku faanay in ay qabsadeen oo ay ka saareen Ururka Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online