Askari ka tirsan Booliska Kenya oo lagu dilay magaalada Nairobi

December 20, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa xalay koox hubeyn oo aan la aqoon ku dileen magaalada Nairobi  askari ka tirsan dowlada Kenya waxayna sidoo kale ay dhaawaceen laba askari oo kale weerarka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi Moses Ombati oo la hadlay saxaafada ka howlgasha gudha dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qadeen askarta xili ay roondo ka sameynayeen  xalay bartamaha magaalada Nairobi waxaana ku dhintay ayuu yiri weerarka hal askari 2 kalena wey ku dhaawacmeen.

Mr.Moses Ombati taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi ayaa sheegay kooxda dilka geysatay in ay ahaayeen burcad horey u dhacday dukaamo ku yaal magaalada Nairobi wuxuuna qiray in ay baxsadeen burcada dilka fulisay.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Booliska magaalada Nairobi ayaa ka hadlay raafka ka socda xaafada Islii waxaana uu sheegay in howlgalada ka socda Nairobi lagu sugayo amaanka waxaana uu sheegay in sharciyo been abuur ah ay ka heleen xaafada Islii ayna baarayaan

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online