Askari Kenyan ah oo lagu dilay Degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

December 28, 2012 - Written by

Mandheera:-Warar  naga soo gaaray magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in xalay koox hubeysan ay weerareen laba askari oo ka tirsan ciidanka Kenya kuwaas oo ku guda jiray howlo roondo ah.

Kooxda weerartay labadan askari ayaa waxay qaateen labadii qori ay wateen askarta ka dib markii ay toogteen oo mid ka mid ah askartii uu dhintay halka mid kale uu si xun u dhaawacmay .

Ciidamada amaanka ee magaalada Mandheera ayaa markiiba soo gaaray goobta iyaga oo qaaday labadii askari waxayna howlgalo ka sameeyeen xaafado ka mid ah Degmada Mandheera iyaga oo xabsiga dhigay dhowr qof oo ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay .

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Waqooyi Bari Philip Tuimur ayaa xaqiijiyey weerarka xalay lagu qaaday askar ka tirsan ciidanka Kenya waxaana uu sheegay in ay wadaan baaritaano iyo howlgalo lagu adkeynayo amaanka Degmada Mandheera.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online