Baarlamaanka DFS oo ansixiyay Miisaaniyadda Xukuumadda 2013

December 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa kulan ay maanta isigu yimaadeen waxay si aqlabiyad ah ku ansaxiyeen miisaaniyadda Xukuumadda DFS waxaana kulanka soo xaadiray 177 xildhibaan

Miisaaniyada Xukuumada DFS ayaa waxaa ansaxiyey xildhibaano gaaraya 176 waxaana ka aamusay hal xildhibaan wasiirka maaliyadda ee DFS Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa u mahad celiyey xildhibaanada DFS wuxuuna sheegay in la dhimay lacagaha ku bixi doona xafiisyada madaxda dowladda .

Wasiirka Maaliyadda ee DFS Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in la kordhiyey lacagta loo qoondooyinka ciidamada DFS waxaana la gaarsiiyey 11 milyan oo doollarka Mareykanka ah waxaa sidoo kale uu wasiirku ka sheegay golaha baarlamaanka DFS in loo qoondeeyey  horumarinta adeegyada bulshada aduun dhan 31 milyan oo doollar.

Kulanka maanta ayaa waxaa shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka DFS Mahad Cabdalla Cawad waxaana uu sheegay in si aqlabiyad ah loo ansaxiyey Miisaaniyada xukuumada DFS ee uu hogaanka u hayo Raisulwasaare Saacid.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online