Bam Gacmeed lagu weeraray saldhiga Booliska Kisauni magaalada Mombasa (Video )

December 3, 2012 - Written by

Mombasa:-Wararka caawa naga soo gaaraya  magaalada Mombasa ayaa sheegaya in bam Gacmeed lagu weeraray saldhiga Booliska degaanka Kisauni magaalada Mombasa waxaana weerarka uu sababay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ku dhawaa saldhiga Booliska degaanka Kisauni ee magaalada Mombasa ayaa u sheegay warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka Kenya in ay arkeen laba askari oo dhulka yaala iyo gaari kuwa gargaark ah oo qaaday dhaawaca.

Askarta ku sugneyd saldhiga Booliska ee  degaanka Kisauni magaalada Mombasa ayaa furay rasaas badan waxaana weerarka lagu qaaday caawa ciidamada Booliska ee magaalada Mombaza xaqiijiyey taliyaha saldhigaas G/sare Julius Wanjohi

Taliyaha saldhiga Booliska ee degaanka Kisauni magaalada Mombasa G/sare  Julius Wanjohi ayaa saxaafada u sheegay in raga weeraray Saldhiga ay iska dhigeen rag dacwo qaba ka dibna markii ay Booliska u soo baxeen ay Bamka ku weerareen ka dibna ay baxsadeen .

Taliyaha saldhiga Booliska ee degaanka Kisauni magaalada Mombasa G/sare  Julius Wanjohi ayaa u sheegay Bamka lagu weeraray saldhiga in uu ahaa  petrol bomb uuna ku dhaawacmay hal askari.

Magaalada Mombasa ayaa caawa waxaa lagu daadiyey ciidamo Boolis ah kuwaas oo baaritaano ka wada degaanka Kisauni lama oga ilaa haatan cid ay qabteen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online