Banaanbax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug(Masawiro)

December 24, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Banaanbax ay ka qeyb galeen dhalinyaro iyo haween ka careysan xariga Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad iyo wax garad kale oo lagu xiray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana xiray ciidamada amaanka iyaga oo ku eedeeyey in aysan ahayn nabadoono cid wakiilatayna aan jirin.

Banaanbax ka dhacay maanta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa u ka dhacay afaafka hore ee xarunta taliska qaybta booliska gobolka Mudug waxaana rasaas ku kala eryey dadweynihii banaanbaxa dhigayey ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Dhalinyaro iyo haween ka careysan xariga siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Puntland ayaa ku qeylinayey erayo lid ku ah xukuumada Puntland iyaga oo diidan sanadka ay dowlada Puntland loogu daray waxayna gubeen Taayaro.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin kuwa khalkhalka galinaya amaanka Puntland isaga oo sheegay in ciidamada amaanka ay gacan ku qaban doonaan cida isku dayda in ay wax u dhinto amaanka Puntland.

Siyaasiyiinta iyo Nabadoonada Puntland ayaa ku kala aragtiyo duwan xiliga ay ku egtahay dowlada Puntland waxaana qolo walba qolada kale ay ku eedeyneysaa in dalka ay u horseedayso amaan xumi iyo fowdo.

no images were found

Ilaa haatan waxaa aamusan oo afka juuqda gabay Isimadii miisaanka culus ku lahaa dhisayna maamulka Puntland kuwaas oo qaarkood goobjooga ka ahaa ansaxinta dastuurka Puntland iyo sanadka lagu kordhiyey xilga uu madaxweyne Faroole heynayo talada Puntland .

M_M Deeq
Halgan.net
Xuquuqda sawirada
Radio Daljir

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online