Ciidamada booliska Kenya oo howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafada Islii (Video )

December 9, 2012 - Written by

Nairobi:-Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafadda Islii  waxayna gacanta ku dhigeen ilaa 300, oo qof kuwaas oo deganaa xaafada Islii howlgaladan ayaa waxay ka danbeeyeen ka dib markii qarax lagu weeraray banaanka Masjidka Al-Hidaaya.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa saxaafada u sheegay  in dadka lagu soo qabtay howlgallada laga fuliyey xaafada Islii aysan heysan wax sharci ah ama aqoonsi ay ku joogaan dalka Kenya .

Howlgallada ay ciidamada booliska Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ayaa waxay cabsi ku abuurtay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii iyaga oo ka baqaya in ay dhac u geystaan ciidamada Kenya ee lagu soo fasaxay xaafada Islii.

Hoos ka daawo markii uu dhacay Qaraxii lagu weeraray Banaanka Masjidka Al-Hidaaya

Moses Ombati Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi  ayaa sheegay in ay ku daba jiraan kuwii ka danbeeyey qaraxii jimcihii ka dhacay banaanka Masjidka Al-Hidaaaya qaraxaas oo ay ku dhinteen 9 qof halka dhaawac uu sii marayo 30 kale oo uu ku jiro Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji  Yuusuf Xasan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online