Ciidanka Booliska ee Puntland oo hawl-gallo ka wada magaalada Gaalkacyo

December 20, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug howlgalo ay wadaan ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ka dib markii xalay Bam lagu tuuray saldhig Boolis oo dhawaan laga sameeyey xaafada Garsoor.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa shirjaraa,id ku qabatay magaalada Gaalkacyo waxaana uu sheegay in xalay Bam lagu tuuray saldhig ciidan oo ku yaal xaafada Garsoor wuxuuna sheegay in qof rayid ah uu ku dhaawacmay.

Axmed Cismaan Cali Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug  ayaa sheegay weerarkii xalay in ay ka danbeeyeen kooxo burcad badeed ah oo ku sugan Gaalkacyo oo ay ciidanku ku daba jireen.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa sidoo kale sheegay howlgalada ay xalay iyo saaka ka fuliyeen ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo in ay ku soo qabteen walxaha qarxa .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online