Copenhagen station train oo saacado dhowr ah la xiray markii Bam laga baqay

December 12, 2012 - Written by

Denmark:-Waxaa maanta in mudo ah la xiray copenhagen station train xarunta ugu weyn ee laga raaco tareennada ee dalka Denmark ka dib markii la soo gaarsiiyey Booliska magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark in baakad ama boorso aan la aqoon wax ku jira looga tagay gudaha station train Copenhagen.

Waxaa jahwareer uu ku dhacay dhamaan dadweynihii raaci lahaa tareenada waxaana la faarujiyey station train Copenhagen waxaana la xiray in mudo ah wadooyinka soo galaya  .

Afhayeen u hadlay ciidanka Booliska ee magaalada Copenhagen ayaa sheegay in xaalada ay tahay haatan mid caadi ah dibna loo furay station train Copenhagen wuxuuna intaas raaciyey in aysan jirin wax khatar ah .

Booliska magaalada Copenhagan ayaa waxaa uu sheegay in ay la soo xiriirtay  qof haween ah oo ka soo jeeda wadamada carbeed taas oo dhigtay baakada laga kala cararay saaka Copenhagen station train waxayna Booliska u sheegtay in ay u sii dhiibeysay baakada saaxiibteed oo degan magaalo madaxada labaad ee dalka Sweden ee Goteborg iyada oo aan rabin in ay bixiso qarshka boostada taas oo ka yaabisay Booliska dalka Denmark

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online