Buulo Guduud oo ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo Ciidamada huwanta

December 23, 2012 - Written by

Kismaayo:-Warar aan ka helnay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Kenya ay shalay la wareegeen deegaanka Buulo Guduud ka dib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Ururka Al-Shabaab oo ka warhelay in ciidamada huwanta ay ku soo wajahan yihiin Buulo Guduud.

Ciidamada Huwanta ayaa Difaacyo ka sameystay duleedka Deegaanka buulo Guduud .Wararka saaka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in deegaanka Buulo Guduud uu ka dhacay dagaal ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Al-Shabaab waxaana dagaalka uu socday in mudo ah.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa Hoobiyaal ku garaacay Difaacayada ciidamada huwanta waxaana la is dhaafsaday hubka culculus .Ilaa haatan ma jiraan cid ka hadashay dagaalka ka dhacay deegaanka Buulo Guduud lamana oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online