Dood: khilaafka siyaasadeed ee Puntland BBC (Dhageyso)

December 22, 2012 - Written by

Garoowe:-Maamul-goboleedka Puntland waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoog leh iyadoo ay soo dhowdahay waqtigii ay xafiiska joogi lahayd xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaam Sheekh Maxamed.

Maamulka haatan dhisan waxaa uu doonayaa inuu muddo sanad ah ku kordhisto waqtigiisa oo ku eg siddeedda bisha Jannaayo ee soo socota.

Hase ahaatee waxaa jira siyaasiyiin ka soo horjeeda waqti kororsiga xukuumadda una taagan madaxtinimada soo socota. Waxaa haatan magaalada Garowe ka socda shirar ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka jira, loona go’aamin lahaa mustaqbalka maamulka Puntland.

Dood arrintan ku saabsan ayaan u qabannay dhinacyada ay khuseyso arrintani.Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa doodda u qeybinaya labada dhinac ee dowladda Puntland iyo mucaaradka, waxaana ay kala yihiin:

Maxamuud Ceydiid Dirir oo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Maamul Wanaagga.

Cabdullaahi Saciid Samatar oo ah wasiirkii hore ee ammaanka Puntland, laakiin hadda ah musharax Puntland.

Iyo Cabdiraxaan Sheekh Maxamed Gablax oo ah murrashax u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland.

Hoos ka Dhageyso Doodkii BBC ay ka qabatay khilaafka siyaasadeed ee Puntland

Xigasho BBC Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online