Dooni sidayTahriibayaal oo ku qalibantay meel 30Mayl u jirta magaalada Boosaaso

December 18, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada amaana ee Puntland ay soo qaadeen Meydadka 18 qof oo tahriibayaal ah kuwaas oo ku geeriyooday dooni ay wateen oo kula degtay dooni xeebaha gobolka Bari.

 Wasiirad ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee Puntland Seynab Ugaas Yaasiin ayaa waxay saxaafada u sheegtay in ciidamo gurmad ah ay u direen markii ay soo gaartay in dooni ay tahriibayaal ka raaceen deegaanka Mareere  oo  u jirta magaalada Boosaaso 18Km ay ku qalibantay meel 30Mayl u jirta magaalada Boosaaso.

Waxaa la keenay  isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas 18qof oo isigu jira rag iyo dumar waxayna wasaarada Cafimaadka ee Puntland ay sheegtay in ilaa haatan la baadi goobayo in ka badan 30qof oo kale .

Doontan aay waxay ku socotay dalka Yemen waxaana ay tahriibayaashu isigu jireen Soomaali iyo Itoobiyaan wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ilaa 4qof ay badbaadeen haatana la keenay Isbitaalka magaalada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online