Prof:Jawaari oo ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ku aaday dalkaTurkiya

December 4, 2012 - Written by
Muqdisho:-Gudoomiya Baarlamaanka DFS Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa faahfaahin ka bixiyey socdaalka Madaxweynaha DFS Dr. Xasan Sh Maxmuud uu ku aaday dalka Turkiga waxaana uu sheegay in labada dal ay ka wada hadli doonaan arimo badan.Mr.Jawaari ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo dalka Turkiga ay leeyihiin xiriir qote dheer oo aad u badan loona baahan yahay in dib loo soo nooleeyo waxaana uu sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay madaxada dowlada Turkiga ka wadali doonaan arimaha siyaasada, amniga .

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DFS ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga madaxweynaha DFS ay joogi doonaan dhowr maalmood dalka Turkiga iyaga oo kulamo la qaadan doona madaxda dalkaas.
Madaxweyanaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa uu casumaad ka helay dhigiisa dalka Turkiga Abdullah Guul waxaana socdaalka Madaxweyanaha ku wehelisa Raisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka G/dhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online