Golaha Wasiiradda ee DFS Oo Kulankoodii maanta ka soo saaray Go’aano(Warsaxaafadeed)

December 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.

Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.

Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.

Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.

—Dhamaad—

 

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online