Gudiga nabad galyada gobolka Mudug oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Galkacyo

December 29, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Gudiga nabad galyada gobolka Mudug ayaa maanta  Shir-Jaraa’id waxay ku qabteen xarunta maamulka gobolka waxaana Shir-Jaraa’id goobjoog ka ahaa duqa degmada Gaalkacyo Col. Siciid Cabdi Faarax  gudoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf Jaamac iyo wasiir ku xigeenka duulista hawada ee Puntland Bashiir Jaamac Maxamed

Shirkan Jaraa’id ayaa waxaa ay Gudiga nabad galyada gobolka Mudug  iyo masuuliyiinta dhamaantood uga hadleen xaaladaha ay ku sugan tahay magaalada Gaalkacyo iyo dilkii waxshnimada ahaa  xalay magaalada loogu gaystay Alaha u naxariistee Nabadoon Gaboobe Aaden Dalab .

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa waxaa uu ku booriyey ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo in ay foojignaadaan cidwalba oo wax u dhimeysa amaanka magaalada Gaalkacyana ay iska qabtaan waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan wax taageeraa siin shakhsiyaad uu sheegay inay ubadkooda iyo xaasaskooda Yurub iyo Mareykan geysteen.

Wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo garoomada Bashiir Jaamac Maxamed ayaa isana ka hadlay shirka Ja,raa,id waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in lagu faro adeygo nabadgalyada ka jirta magaalada Gaalkacyo wuxuuna fariin u diray shacabka in amaanka ka shaqeeyaan lana shaqeeyan ciidanka amaanka.

Ugu danbeyntii Col. Siciid Cabdi Faarax duqa degmada Gaalkacyo ayaa  si kulul u cambaareeyay kooxihii ka danbeeyay dilka marxuum Nabadoon Gaboobe Aaden Dalab waxaana uu fariin u diray shaksiyaad  hub ku dhexwata gudaha magaalada Gaalkacyo wuxuuna ugu baaqay in ay joojiyaan si nabada loo ilaaliyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online