Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

December 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho waxaana uu kulamo la yeeshay dhigiisa Soomaaliya  Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyaga oo ka wada hadlay xiriir ka labada dal sidii loo xoojin lahaa .

Waftiga gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cal ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku  soo dhoweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan golaha baarlamaanka ee DFS .

 Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Jabuuti ayaa u jeedada booqashadiisa waxaa lagu sheegay sidii uu wadahalo ula yeelan lahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo casumaada u fidiyey Guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali.
Guddoomiyaha baarlamaanka ee dalka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali ayaa waxaa kale oo uu wadahadal la yeelan doonaa Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud waxaana uu sidoo kale booqan doonaa ciidamada dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
A/Cawale
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online