Hay,ada Al sunna oo xadhiga ka jartay Machad cusub oo loogu magac daray imaamu Shaafici.

December 15, 2012 - Written by

Jigjiga:-Hay,ada Arimaha Islaamka iyo waxbarshad ee deegaanka Soomaali itoobiya (ALSUNNA) xafiiskeeda  magaalada jigjiga ayaa xadhiga ka jartay machad cusub oo loogu magacdaray( Imaamu shaafici).munaasabada  macadkan lagufurayay ayaa waxay kadhacday xarunta macadka oo kutaala magaalada jigjiga.

Xalafadan oo aad loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qaybgalay wufuud ka kalsocota ,xafiiska waxbarashada dawlada deegaanka soomaalida ,golaha Arimaha islaamka dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ,madaxda hay,aha alsunna,odayaasha ku dhaqan magaalada jigjiga.bahda warbaahinta iyo dhamaan bulshad ku nool magaalada jigjiga qaybaheeda kaladuwan.

Xalafadan ayaa lagufurfuray Aayado qur,aan ah.kadib waxaa hadal kajeediyay  munaasabadan  gudoomiyaha macadka lafuray: Maxamed Cusmaan Sayid oo kawarbixiyay  ujeedooyinka loo aas aasay macadkan isaga oo sheegay in lagu baran doon maadooyinka:xifdiga qur,aanka kariimka iyo tarbiyada islaamka luuqadaha sida carabiga,English,&xisaabta ,kuna booriyay  bulshada in,ay kafaa iidaystaan fursadan,dhanka kale waxaa kahadlay gudmiye kuxigeenka  hay,ada alnunna,Sheekh Cabdinaasir Ibaahim Cumar ,Sheekh Xasan Maxamed Xusen  (daadhi)oo iyaguna kahadalay  ahmiyada waxbarasha iyo sayna usinanay aqoona iyo aqoon la,aanta.

no images were found

Waxaa sidoo kale Xaflada ka hadlay  Muxyadiin Aadan Nuur oo ka socday wasaarada waxbarashad ee dawlada deeganka soomaalida  dhankiisna tibaaxay  in xafiiska waxbarashada ay farxad wayn u tahay inay k asooqaybgalaan furitaanka macadkan wuxuuna ugu baaqay dhamaan bushada ku nool magaalah jigjiga inay kafaa iidaystaan fursadan .

Sheekh Cali Shoocaac ayaa isana kalimad ka jeedshay xaflada lagu daahfuray Machadka cusub ee Imaam Shaafici waxaana uu kahadlay ahmiyada uu uleeyahay macadkani bulasha wuxuuna ugu baaqay waalidiinta in ay ka faa,ideystaan fursadan dhamaan culimadii iyo mas uuliyiintii  kahadlay  xalfadan ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay waxbarashadu ugna baaqay bulshada  in laga faa iidaysto fursadan qaaliga ee ku soo korodhay bulshada deegaan gaar ahaan magaalada jigjiga.

Hay,ada arimaha islaamka iyo waxbarashada (ALASUNA)ayaa ku mashquulsan sidii kor loogu qaadilahaa waxbarashada iyo wacyigalinta deegaan iyada oo dhidibada u taagtay mudadii yarayd ee hay,adu jirtay.macaahid iyo  maaris farabadan oo haatan ay kafaa iidaystaan dadbadan oo ku noola deegaanka kala duwan .

Hay,ada Al sunna
Jigjiga

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online