Khudbadii Jimacaha ee Masjidka Al-Hidaaya Sheekh Maxamuud Shible (Dhageyso)

December 21, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh Maxamuud Shible oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa khudbadii maanta waxaa uu dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya ku booriyey alle ka cabsi ,midnimo ,iskaalmeysi iyo in aan la baro kicin.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu ka waramay in sida ay Soomaalida ay ugu imtixaanantahay dunida waxaana uu sheegay in dhibka ay uga bixi karaan in all ay ka baqaan oo ay dib ugu soo noqdaan kitaaba alle iyo sunada nabigeenii Maxamed صلي الله عليه وسلم

Sheekh Maxamuud Shible ayaa sheegay in qofka muslinka ah laga doonayo meelwalba uu joogo in alle uu ka baqo oo ay iswaafaqaan qowlkiisa ,ficilkiisa iyo niyadiisa.intaas ka dib alle ayaa u balan qaaday qofkii sidaa yeela in uu alle aduun iyo aakhiro badbaadin doono.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa sidoo kale umada Islaamka ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan warxumatashiilka iyo waxaa la yiri waxuuna ugu baaqay in waxwalba ay hubsadaan oo markii ay waxdhacaan aysan la boodin Sheekh ayaa ku waaniyey samanka fitnada in  cibaadada ay umada badsato wuxuuna kale uu ku waaniyey in aysan markii wax dhacaan aysan cararin si aysan dhibaato u gaarin.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa ugu danbeyntii ku waaniyey dadweynaha in ay masaajidadooda camirtaan oo aysan baqin gaarida waa xaqiiq wuxuuna Sheekhu alle ka baryey kuwa Islaamka dhibaya in alle shartooda ku celiyo.

Hoos ka Dhageyso  Khudbadii Sheekh Maxamuud Shible uu ka akhriyey Masjidka al-Hidaaya ee magaalada Nairobi.

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/0n7j643t5g/khudbadi_jimcaha_sh_shibli_21.12.2012.mp3] Ama Halkan Mp3
Yaasiin Cabdi
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online