La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinac amniga oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Buuraha Golis

December 7, 2012 - Written by

Garoowe:-La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinac amniga Axmed Doonyaale oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu ka hadlay dagaakii ka dhacay Buuraha Golis gaar ahaan Togo Sugure,  dagaalkaas oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka daraawiishta ee Puntlland.  La taliyaha Madaxweynaha dowllada Puntland ee dhinac amniga Axmed Doonyaale ayaa ku goodiyey in dagaal adag ay ku qaadi doonaa Saldhiga ay Buuraha Golis ka samaysteen ciidanka ururka  Al-shabaab oo ka yimid Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Axmed Doonyaale  ayaa qiray in Buuraha Golis ay soo galeen ciidamo  ka yimid  Gobollada Koonfureed iyo Bartamaha dalka Soomaaliya  iyagoo qorshaynaya  in ay dagaalo iyo qaraxyo ka fuliyaan degaanada Puntlland si wax deganaasho iyo maamul ah aysan uga jirin.

Doonyaale ayaa sheegay in dagaalkii fool ka foolka ahaa ee dhexmaray ciidanka Puntlland iyo kuwa Al-shabaab ay ciidanka dowladda ku adkaadeen oo ay dileen ilaa 7 askari oo ka tirsan  Al-shabaab dhaawacna ay gaarsiiyeen oo rag dagaalka uga dhintay Al-shabaab ay keeneen magaalada Boosaaso ciidanku , balse miino la qaraxday ciidanka dowllada ay kaga dhinteen ilaa 10 askari iyo 2 askari oo dagaalka uga dhintay.

Axmed doonyaale ayaa sheegay in dowllada Puntlland iyo shacabkeeduba ay go,aan sadeen kana midaysan yihiin in ay iska difaacaan ururka Al-shabaab oo duulaan ku ah deegaanada Puntlland isagoo xusay in dowllada Puntlland iyo laamaha amniga ay la socdaan dhaq dhaqaaq Al-shabaab iyagoo Buuraha Golis u soo gala mid mid  iyo labo labo kana soo talaaba dhinac badda iyo bariga.

Hadalka ka soo baxay La taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhinaca amniga Axmed Doonyaale ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dagaal uu ku dhexmaray  Togo Sugure  ciidamo ka tirsan al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa Puntlland oo fariisamo ku lahaa degaankaas  labo maalin ka hor waxaana ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Ciidanka Puntlland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay dagaalo iskaga horyimaadeen ciidanka Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Golis waxaan ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac iyadoo arrinkaas uu sababay in dadka rayidka ahaa ee ku nool degaanada ku dhow dhow Buuraha Golis ay ka bara kacaan.

Dhanka kale Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay gaarsiiyeen khasaaro.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online