Madaxweynaha DFS oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti

December 13, 2012 - Written by

Mogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa soo booqday wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sh. Osman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyo. Waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Roble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Somalia kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii. dadka dhex gala waa dadkiinii la hadlasaas waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
Xafiiska Madaxweynaha
mabdalla@presidency.gov.so

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online