Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay qaybta Runway-ga ee Garoonka Bandar-Qaasim

December 10, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha  Puntland Dr.C/raxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay garoonta diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari isaga oo dhagax dhigay qeybta Runwayga waxaana booqashadiisa ku weheliyey masuuliin ka socda  hay,ada UNOPS,iyo masuul ka socda dowlada Talyaaniga kuwaas oo loo wakiishay dhisida  Garoonka Diyaaradaha Bandar-Qaasim ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxaa kale oo kormeerkiisa ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland ,ganacsatada gobolka Bari , Issimo, iyo waxgarad kuwaas oo ku baaqay in la iska kaashado in la dhiso laamina la saaro ‘’Run way’’ taas oo ay ku bixi doonto aduun dhan 5 Milyon oo Doolar waxaana goobta ka hadlay Suldaan Jeenicad ,iyo ganacsade Xuseen Gacayte .

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa uu booqday qeybaha kala duwan ee Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Puntland in ay ka qeybqaataan dhisida Garoonka Diyaaradaha ee Bandar-Qaasim .

no images were found

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa aad u soo dhaweeyey talaabada ay horey u qaaday xukuumada Puntland iyaga oo ka wardhowraya in uu miro dhalo yabooha ka soo yeeray dowlada Puntland iyo Ganacsatada gobalka Bari.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online