Masjidka Quba Ee magaalada Amsterdam oo noqday milki ay leeyihiin Soomaalida (Masawiro)

December 15, 2012 - Written by

Holland:  Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Allaah (Subxanahu watacaalaa) noo sahlay in laga hirgaliyo wadanka Holland masaajidkii ugu weynaa ey Soomaali yeelato ee Masjid Quba.

Masjid Quba ayaa laga hirgelinayaa caasimada dalka Holland ee Amsterdam waxaana qeyb weyn ka qaatay Mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool Holland iyaga oo  in badan isha ku hayey lana socday dhismaha Masjid Quba.

Markale waxaan ugu bishaareyneynaa umada Soomaaliyeed ee ku nool Holland iyo dunida inteeda kaleba in masaajidka uu soo galey gacanteena waxaana milki ay yeelan doonaan Muslimiinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Amsterdam  ee xarunta dalka Holland.

Waxaan mahad aan la soo koobi Karin u celineynaa walaalihii suurto galiyey bacda fadli laahi isla markaasna ku bixiyey naf iyo maal waxay awoodeen waxaan walaalaha kheyrka jecel la socodsiineynaa in uu milkiilaha nagu leeyahey qeyb ka mid ah qarashkii aan ku iibsaney masjidka, waxuuna noo qabtey mudo kooban waxaana ka rajeynaynaa dadka Muslinka ah in ay inta yar ee dhiman aan iska wada kaashano

no images were found

Masjid Quba waxaa u istaagay culumada iyo Ducaada Soomaaliyeed oo garab ka helaya jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Hollan waxaana Markaska Quba lagu faafin doonaa inshalaah diinta Islaamka iyo caqiidada Ahlu suna waljamaaca waxaana culumada Masjidka Quba iyo Ducaadaba ay ku dadaali doonaan in shacabka ay ka haqab tiraan baahida diineed ee heysata Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Holland.
Sheekh Suldaan Gasle, oo ah masuulka Masjidka Quba  iyo ducaada Magaalada Amsterdam ee xarunta dalka Hollan ayaa la soo wareegay furihii Markazaka ee Quba 13-12-2012  ilaahey mahadii waxaana alle ka baryeynaa in acmaasheena uu ka dhigo mid kaligiis u gaar ah Aaaaaaamiin.

Masjidka Quba Ee Amsterdam
Holland

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Masha-Allah, Mabruuk, am so happy to hear this great news, takbiir for all Somali , thanks bro shaqada qabteen specialty my sh suldan .

  2. asc/wr/wb sln ka dib allaah ayey mahadoo dhan u sugnaatay al xamdulilaah calaa kuli xaaal runti si aad u weyn ayaan ugu faraxsanahay masaajidka laga hirgelinayo caasimadda wadanka holland dadkii ka qeyb qaatayna iyo ducaadi culimadii allaah haka abaal mariyo addun iyo aakhiro in allaah

Leave a comment

*