Mu’asasadda Al-minhaaj oo siminaar maanta magaalada Bosaaso ku soo gaba gabeysay

December 14, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa Hoolka shirarka ee Amal Plaza ee magaalada Boosaso lagu soo gaba gabeeyay Siminaar ay iska kaashanayeen Mu’asasadda Al minhaaj iyo Maamulka Iskuulka Imamu Shaafici wuxuuna simanaarkaasi ku saabsanaa sare u qaadida tacliinta iyo hogaaminta iyo tayaynta  macalimiinta qeybaha kala duwan ee iskuulka.

Siminarka ayaa shalay galab si rasmi ah u furmay waxana darsigii koowaad soo jeediyay Sheekh Axmed Jaamac waxa uu ka hadlay mideynta safka ardayda ee waxbarasho iyo ka shaqeynta isku xidhkooda wuxuuna Macalinku dhinacyo badan ka tilmaamay in macalin  ku uu ardayda isku xidhi karayo dhinaca kalena uu sababi karo in ardaydu colaad mustaq balkooda saameyn ku leh ka dhex abuuro.

no images were found

Sidaa oo kale waxaa casharka labaad soo jeediyay isla shalay salaadii makhrib ka dib Ustaad Xasan Macalin Yuusuf  wuxuuna macalinku faah faahiyay qababka sahlan ee ardayda loola macaalimo iyo sidoo kale hababka loo diyaar gareeyo imtixaanka dhex dhexaadka ah wuxuuna macalinku xusay in qaababka ay macaliintu adeegsadaani ay tahay qaab aad looga fiican yahay wakhti xaadirkan waxa imtixaanka loo sameeyaana ay tahay in ardayga lagu qiimeeyo ee aysan ahayn in ardayga lagu ciqaabo ama dhinaca kale lagula dagalamo ama lagaga aar goosto.

Darsiga sadexaad waxaa galabnimada manta soo jeediyay Ustaad Maxamuud Ciise “Awoowe” oo ka hadlay Sameynta guusha wuxuuna Macalinku soo qaatay 7 qodob oo sababi karaya in guusha la gaadho wuxuna ka xusay in ay ka mid tahay in si wanaagsan loo fakaro. Sidaa oo kale waxaa uu macalinku soo hadal qadaay in qofka laga doonayo in uu sheego tanaasul sidaa oo kalena uu noqdo qof haddii uu khadlamo durbaba raadiya in uu dib u saxo khaladkiisa .

Waxa uu sidaa oo kale xusay in qofka laga doonayo in uu qiimeyn ku sameeyo jidhkiisa caqlligiisa, bulshada uu la noolyahay iyo fursadaha iyo awoodaha uu heysto kuwaasina ay ka caawinayaan in uu dadka xidhiidh la sameeyo . Darsiga kadib waxaa hadalo koob kooban oo aqoon is weydaarsi ah soo jeediyay qaar ka mid ah macalimiinta kuwaas oo isku jiray rag iyo dumar.

Salaadi makhrib ka dib ayaa xaflada si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay waxana hadalo kooban soo jeediyay Maamulaha Iskuulka Imamu Shaafici Sheekh Maxamed Faahiye Ciise iyo Gudoomiyaha Mu’asasadda Al Minhaaj Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise , sidaa oo kale waxaa kalmada Macaliimiinta ku hadlay Ustaad Axmed Jaamac waxaana gab gabadii shahaadooyin la gudoonsiiyay macalimiinta  iskuulka, Iskuulka ayaa la aas aasay sanadkii 1992 wuxuuna ka kooban yahay qeybaha Hoose , Dhexe iyo Sare ,waxaana wakhti xaadirkan dhigta arday tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 1200 oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Halgan.net
Boosaaso

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online