Puntland oo soo bandhigtay Shaqaalaha Markabkii Mv Icebreck 1oo ay soo furatay(Masawiro)

December 25, 2012 - Written by

Garoowe:- Puntland ayaa maanta galinkii danbe saxaafada u soo bandhigtay Shaqaalaha Markabkii Mv Icebreck 1 oo ay soo furatay waxaana Markabkii Mv Icebreck 1 saarnaa ilaa 22 shaqaale oo ka kala yimid wadamo kala duwan.

Goobta lagu soo bandhigay shaqaalaha Markabkii Mv Icebreck 1 ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiraal-Cabdirisaaq Diiriye Faarax waxaana uu sheegay in ay howlgalada ay ku soo furteen shaqaalada Markabkii Mv Icebreck 1 ay ku dileen 3 ka mid ah burcad badeeda waxayna sidoo kale gacanta ku dhigeen 3 kale .

Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiraal-Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in dowllada Puntland ay ka go,an tahay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha Burcad badeeda .

Gen-Muxyadiin Axmad Muuse taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland oo sidoo kale ka hadlay khasaaro soo gaaray ciidanka fuliyey howgalada lagu soo furtay  Shaqaalaha Markabkii Mv Icebreck 1 wuxuuna sheegay in hal askari ku dhintay 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Agaasimaha La-dagalanka burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Maxamad Axmad (Ducaysane) ayaa sidoo kale isagana la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay inay tahay guul lama ilaawaan ah oo u soo hoyatay dowlada Puntland ka dib markii ay soo furteen shaqaalaha Markabkii Mv Icebreck 1 oo mudo ku dhow 2-bo sano lagu heystay xeebaha Puntland.

no images were found

Kabtanka Marakabka Mv Icebreck 1 Cali Saalax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yemen ayaa u mahad celiyey ciidanka dowlada Puntland waxaana uu ka sheekeeyey xaalad murugo leh oo ay ku hayeen Buracadii heystay Mv Icebreck 1 .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online