Qarax lagu weeraray ciidanka AMISOM oo khasaaro u geystay dad shacab ah

December 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nooca lo yaqaan Toyota Carib oo laga soo buuxshay walxaha qarxa la dhigay waddada Makka al-Mukarrama gaar ahaan meel aan sidaa uga fogeyn gurigii hore ee Shaqaalaha .

Qaraxan ayaa waxaa lala damacsanaa kolonyo gawaari ah oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS  oo marayey waddada Makka al-Mukarrama iyaga qarax uu dhacay markii ay gudbeen waxaana qaraxa la xaqiijiyey in uu ku dhintay hal qof waxaana dhaawaca uu marayaa ilaa haatan 6 kale oo dhamaantood ah dad rayid ah  waxaa jira sidoo kale  uu khasaaro soo gaari baabuurta la raaco ee  BL-ka  ah oo ku sugnaa waddada Makka al-Mukarrama .

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM waxaana saxaafada la hadlay  Afhayeenka ciidanka Booliska DFS Jen.C/laahi Xasan Bariise  waxaana uu sheegay in aysan jirin khasaaro soo gaaray ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS .

Jen C/laahi Xasan Bariise  ayaa sheegay in qaraxa ragii dhigay ay baxsadeen balse ay hayaan lambarkii gaariga wax lagu qarxiyey wuxuuna ku eedeeyey qaraxa in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online