Sanad guurrada 69aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Boosaaso

December 20, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso xaflada balaaran oo lagu xusayey sanadguuradii 69 aad ee ka soo wareegtay  markii dhidibada loo aasay Ciidanka Booliska ee dalka Soomaaliya. Xaflada oo ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha dowllada Puntlland  Dr. Cabdi raxmaan Faroole, Wasiirka amniga Col. Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka badda Eng.Siciid Maxamed , Taliyaha ciidanka guud ee Puntland,  Gen Siciid dheere, Taliyaha ciidanka Booliska dowllada Puntland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf , masuuliyiinta maamulka Gobolka  Bari Isimo iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf oo ka hadlay xaflada ayaa waxaa uu bogaadiyey  howsha muhiimka ah ee ay ciidanka Booliska dalka Soomaaliyeed hayn jireen waxaan uu ku tilmaamay mid aan la ilaawi doonin waxqabadkooda iyo kartidii ay muujin jireen iyo weliba howshii ay u hayeen bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa waxaa uu ka hadlay howsha iyo waxqabadka ay ilaa hadda qabteen ciidanka Booliska ee Puntlland waxaan uu xusay in ay ilaa hadda ay diiwaan geliyeen ilaa 3655 danbi

Dhinac Issimada ayaa waxaa goobta ka hadlay  Afhayeenka Isimada Puntlland Garaad Cabdullaai Cali Ciid waxaan uu aad u guubaabiyey dadkii ka soo qayb galay xaflada loo sameeyey ciidanka Booliska isagoo ka hadlay waxqabadkii ciidanka Booliska iyo sidda loogu baahan yahay in lala shaqeeyo laamaha amaanka ee ciidanka si loo sugo amaanka ka jira degaanada Puntland.

Madaxweynaha dowllada  Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo khudbad kooban ka jeediyey Xaflada ayaa waxaa uu amaan u soo jeediyey ciidankii Booliska ee dalka Soomaaliya isagoo sheegay in ka mid noqoshada ciidanka Booliska lagu faani jiray isagoo ku  guubaabiyey dhalinyaradu in ay soo celiyeen haybadii ciidanka Booliska  ayna ka mid noqdaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa uu sheegay in ciidanka Booliska ee Soomaaliya ay ahaayeen kuwa la dagaalama danbiilayaasha una naxariista dadka shacabka ah e tabarta yar sidaas awgeedna loo baahan yahay in ciidanka Boolisk ee Puntlland ay ku daydaan dhaqankii toosnaa ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu ciidanka Booliska ee Puntlland uu ka waaniyey cunid qaadka oo ah wax fool xun oo aan loo baahnayan in qof masuuliyada u haya umada in uu cuno. Ugu danbayntii ayaa  Madaxweynaha Puntland waxaa uu mahad u ceilyey Madax weynaha dalka Jabuuti oo xusay maalinta farta Soomaliga oo ah wax muhiim u ah umada Soomaaliyeed dhaqan keeda loona baahnaa in laga shaqeeyo horumarinteeda.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online