Sh Dirir oo xalay Muxaadaro ka jeediyey Masjidka Jaamica ee Jigjiga (Masawiro)

December 26, 2012 - Written by

Jigjiga:-Waxaa xalay mar kale dib ugu soo laabatay magaalada Jigjiga Sh Maxamed Cumar Dirir isagoo Sheekh si fiican loogu soo dhaweeyey waxaan uu isla xalay uu muxaadarado ka jeediyey Masjid Jaamica magaalada iyadoo dadweyne fara badan ay ka soo qayb galeen.

Muxaadaradaan oo ahaa mid la sii iclaamiyey  ayaa dadweynuhu waxaa ay soo buux dhaafiyeen Masjidka iyadoo muxaadaradu ay si toos ah u bilaabatay Salaadii Makhrib ka dib. Muxaadaraan ayaa waxaa soo abaabulay Hay,ada dacwada iyo waxbarashada al-sunna ayaa cinwaan keedu ahaa (hamiga sare) taas ay ka soo qayb galeen bushada qaybaheeda kale duwan ee ku nool magaalad Jigjiga waxaan la sii buuxiyay Masaajid ka Jaamica oo ah masaajid ka ugu weyn masaajidad ku yaal magaalada Jigjiga.

Sh. Maxamed Cumar Dirir ayaa si aad u qiimo badan u faahfaahiyay cinwaanka muxaadarada ,Muxaadarada xalay uu Sheekh.Maxamed Cumar Dirir  jeediyey ayaa waxaa ay noqonaysaa muxaadaradii 2aad oo uu Sh.Dirir ka jeediyey magaalada Jigjiga waxaan ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan, waxaan ay muxaadaradaan noqotay muxaadaradii ugu dad badnayd ee Shiikh Soomaali ah ka jeediyo magaalada Jigjiga.

no images were found

Muxaadarada ayaa waxaa ay ku soo gabagabowday jawi degan oo farxadeed iyadoo ugu danbayntii uu kalimada dardaaran ah ka jeediyey Sh Axmed Cabdi samad.

Xafiiska warbaahinta
ee hay,adda sunna.

1 Comment so far

Leave a comment

  1. masha alah ilaah ajar hasiyo culimada somaliye hay.ada al.sunnane kor Alaha kadhigo dhulkasne wa dhul somaliyed wan kufararaxsanahay inan dhageesto ayan jeclaa ( fikirkeyga) culimada waa weyne ee soomaliyeed waxan kuladardaarma iney midoobaan dadka somaliyedne Alla darti dacwad kula wareegan ilaa xumantu yaraato ayagoon cidna kabaqeen fadlan fikir kaladuwanaashaha iskadaaya dar Alla iyo dadka dhibaateysan umidooba taarikhdu haidin xustee yanan iloobin inan webka haigan u mahadceliyo asc anigo mozanbique joga

Leave a comment

*