Sheekh Shible oo ku baaqay in la gargaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii Masjidka Hidaaya ee Nairobi.

December 31, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh.Maxamuud Shible, ayaa  maanta waxaa uu ku baaqay in la gargaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii lala beegsaday Masjidka Hidaaya ee magaalada Nairobi. Sheekha oo maanta ka hadlayey masaajidka Abuu Bakar Sidiiq, ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxii bishan horaanteeda ka dhacay Masaajidka Hidaaya ay u baahan yihiin taakuleyn dhaqaale, isagoona ka warbixiyey xaaladda iyo tidara dhaawac yada ay ogyihiin.

Ilaa 35 ayuu Sheekhu ku sheegay inay dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood waayey xubnaha jirkooda ee muhiimka ah, sida gacmaha iyo lugaha, wuxuuna intaas uu ku daray inay jiraan dad weli aan miyir lahayn oo xaaladdooda ay halis tahay. Sheekha ayaa Jamaacadii Masaajidka ku soo tukatay ugu baaqay inay taakuleyn dhaqaale u geystaan dadkaas ku waxyeeloobay iyagoo salaad ka soo baxay, kuwo kalena u diyaar garoobayeen, wuxuuna isla goobta ka uruuriyey lacag dadku ugu yabooheen walaalahooda dhaawaca ah.

Ugu dambeyntii: Sheekha ayaa u duceeyey dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas, iyo dadkii taakuleynta u geystayba, isagoona Illaahay ka baryey inuu dhibka ka dul qaado dadka, kuwa dhaawaca ahna caafiimd u weydiiyey Illaahay.

Somalireal/halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. walaalayaal waad mahadsan tihiin laakiin dadka kunool dalaalka kafog wadankay kunool yihiin sedee kugaarikaraan caawinaada dadka dhibaataysan waad mahad san tihiin jasaakumullaahu khayran

  2. aallh ha barakeeyo sheekha way mudan yihiin dad,kaasi in loo gur,mado

Leave a comment

*