Khudbadihii Jimcaha ee Sheekh Umal iyo Sh.Shible .[Dhagayso]

December 14, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu maanta uga hadlay khudbadii jimce ahmiyada amniga iyo xaalada murugsan ee soo wajahday dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo saamaynta xun ay ku yeeltay amni xumid iyo qaraxyadii ka dhacay dhawaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka hadlay in dadka muslimiinta ah ee degan dalka Kenya ay yihiin dad laga tiro badan yahay sidaas darteedna ay tahay in la fahmo fiqiga gaarka ah ee khuseeya dad Muslin ah oo ku dhex nool gaalo ka tiro badan.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in umada muslimka ee laga tiro badan yahay haddii ay maslaxadoodu ay ku gaarayaan in ay codkooda bixiyaan oo cid ka doortaan baarlamaanka ay u banana tahay si ay sharta gaalada iskaga yareeyaan oo maslaxadoodu wax uun ka gaaraan isagoo shiikhu yiri ” Waxaa loo baahan yahay in Fiqigaas qof aan aqoon u lahayn in uusan gelin oo loo daayo culimada waaweyn ee diinta ku xeel dheer”.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in amnigu uu yahay furaha nolosha umada oo sida qofku uu baahi ugu qabo cunta ayuu amnigu ugu baahan yahay amniga haddii la waayna wax badan baa kaa lumaya umada muslimiinta gaar ahaan soomaalida,

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in qaraxyada iyo amni xumada dalka Kenya uu salka ku hayo dhowr qodob oo kala ah Siyaasad, Diini,iyo Mid dhaqaale.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa yiri mida siyaasadu ay tahay wadciga ka taagan dalka Kenya oo siyaasiyiintu ay doonayaan in mid walba uu ka faa’iidaysto amni xumada soo food saartay Kenya si uu u gaaro u jeedadiisa gurac.

Mid diinta ayaa shiikhu waxaa uu ku tilmaamay in ay jiraan kooxo kale duwan oo duulaan ku ah dacwada , masaajid muslimiinta oo doonaya in ay dalka ka bilaabaan in dagaal aan jirin laga dhex abuuro Masaajidda iyo Kaniisadaha si markaas loo xalaashado Masaajidda dadka muslimiinta ah oo ah dad yar marka loo eego gaalada ku nool dalka Kenya.

Mid dhaqaale ayaa Sheekh Maxamed Cabdu Umal waxaa uu ku sheegay in ay jiraan kooxo cadow u ah umada Soomaaliyeed oo doonaya in dhaqaalahooda ay boobaan kuwaas oo raadinaya qaab ay u dhacaan xoolaha yaal Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in ay jiraan kooxo ama ururo Islaami ah iyago aaminsan in qaraxyo iyo dilal laga geysto dalka ay muslimiintu ku yar yihiin ama kuwa kaleba si marka ay qaraxyo geystaan ama dilal in gaaladu ay dadka muslimiinta ah ay dhibaatayn doonto ka dibna ay shacabku aadi doonaa goobaha jihaadku ka socdo ama ay jihaadi doonaa arrinkaas oo uu Shiikhu ku tilmaamay wax aan sax ahayn oo Muslin daciif ah oo laga tiro badan yahay oo aan la bari diintooda aysan wax hiil ah samayn karin balse ay Gaaladu sii dulaysan doonto oo laga yaabo in diintooda ay kaba  fidneeyaan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ugu danbayn waxaa uu u soo jeediyey dadweynaha Soomaaliyeed in ay midoobaan si uga badbaadaan khataraha ku soo fool leh oo lagu doonayo in lagu xalaashado naftooda, Maalkooda, sharaftooda. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka digay in falalka qaraxyada ah eek a dhacay Kenya ay ka fogaadaan dadka da’yarta ah ee Muslimiinta isagoo Sheekhu sheegay in uusan ogayan  cida geystay qaraxyada balse ay ka tahay naseexo maadaama falalkaas ay sababayaan halaag iyo dhibaato baahsan oo soo gaaraysa dadka Muslimiinta ah ee laga tiro badan yahay.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha Ee Masjid Abubakar ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal. [audio:https://halgan.net/Mp3/shumal14.mp3] ama Halkan MP3

 

Dhanka kale Sh Maxamuud Shible ayaa sidoo kale waxaa uu Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi uu ka jeediyey Khudbadii Jimce isagoo Sheekhu uu uga hadlay been abuurka , wararka la kala qaado, iyo in lagu mashquulo wax aan aduun iyo aakhiro midna aan laga faa’idayn, Shiikh Maxamuud Shible ayaa bulshada ku baraarujiyey in qof walba uu aakhiradisa xasuusto oo waqtiga wax aan  waxba tarin lagu bixiyo arrinkaas oo qofka aakhiradiisa u daran.

Sh.Maxamuud Shible ayaa dadkii dhagaysanayey khudbada Jimcaha waxaa uu kula dardaarmay alle ka cabsi meel walba oo ay joogaan isagoo Sheekh Shible uu xasuusiyey dadka khatarta ay leedahay qofka in uu ilaawo naftiisa oo wax aan faa’iido ugu jirin uu ku mashquulo gaar ahaan maxaa la yir ama maxaa la soo sheegay halka uu ku mashquuli lahaa quraan akhris iyo kheyr kale.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha Ee Masjid Al-hidaaya Sheekh Maxamuud Shible. [audio:https://halgan.net/Mp3/khubadijimcaha sh shibli.mp3] ama Halkan MP3
 Yaasiin cabdi
Nairobi,Kenya

 

 

 

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahi hanaga badbaadiyo galadan naga tiro badan ya allah

  2. allow naga badbaadi dhibaatooyinkan maalmalan kusoo kordhey east leingh insha allah

Leave a comment

*