Ururka AL-Shabaab oo Bayaan ka soo saaray Abuu-Mansuur Al-Amriiki

December 17, 2012 - Written by

Muqdisho:-Bayaan maanta ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Ururka Al-shabaab  ayaa waxaa lagu  faafiyey barta  ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin twitterka waxaana bayaanka  lagu sheegay in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki uusan matelin kuna hadli karin magaca dagaalyahannada Muhaajiriinta  ah ee ka barbar dagaalama Ururka  Al-Shabaab.

Waxaa kale oo bayaanka ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Ururka Al-shabaab lagu sheegay in Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki sidoo kalena aysan jirin wax xil ah  uu ka hayo Ururka Al-Shabaab.

Bayaanka ayaa waxaa lagu cadeeyey sababaha ay Shabaab ku qoonsadeen Abuu-Mansuur Al-Amriiki in ay tahay in uu baahiyey  warar aan jirin oo xaqiiqada ka fog ka dib markii uu cajal muuqaal ah uu soo dhigay barta Internetka kuna sheegay in uu jiro khilaaf u dhexeeya Ururka Al-Shabaab iyo dagaalyahanada ka garab dagaalama .

Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay qeylo dhaanta Abu Mansuur Al-Amriiki uu laba mar soo dhigay barta internetka Cajalado Muuqaal ah mid ruwaayad ah oo ay buunbuunsheen warbaahinta caalamka  uuna jahwareer galiyey Muslimiinta caalamka.

Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki  ayaa waxaa  uu Cajalkii ugu horeeyey soo dhigay barta Internetka 16 Mars 2012 waxaaana uu sheegay in naftiisa ay ku jirto khatar uuna ka baqayo in ay dilaan xarakad Al-Shabaab isaga oo sheegay in ay isku khilaafsan yihiin aragtiyo Istiraatij ah iyo mid sharci ah .

Hoos ka Daawo cajalkii Hore ee Abu Mansuur Al-Amriiki uu ku sheegay in Al-Shabaab ay dilayaan

Waxaa sidoo kale lagu faafiyey barta Internetka mar kale Cajal uu leeyahay Abuu-Mansuur Al-Amriiki  19 Oct 2012 waxaana uu Cajalkaas uga hadlay sidoo kale in uu jiro khilaaf ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Muhaajiriinta ka barbardagaalameysa waxaana uu sheegay in saraakiil  ka tirsan Al-Qacida lagu dilay Soomaaliya

Hoos ka daawo cajalka Cusub ee uu soo diray Abu Mansuur Al Amriiki oo lagu Faafiyey Internetka 19 okt 2012

Bayaanka ka soo ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in Abuu-Mansuur Al-Amriiki  uu Cajaladaha soo dhigay barta Internetka xili  ay ciidamada DFS iyo AMISOM ay duulaan ku ahaayeen gobalka Sh/hoose iyo dowlada Kenya oo Kismaayo ku soo socotay waxaana ay xarakada sheegtay in wakhti uu la fiirsaday Abu Mansuur Al-Amriki aysan ahayn mid isaga soo aaday bale dan laga lahaa taas oo ah in Muslimiinta lagu dhexabuuro kala shaki .

Ururka Al-Shabaab ayaa sidoo kale Bayaanka waxaa uu ku sheegay in Cajalada uu iska soo duubay Abuu-Mansuur Al-Amriiki  uu ka rabay in uu isku soo caan bixiyo waxayna sheegeen in ay u naseexeeyeen balse uu diiday in uu aqbalo naseexada

Ugu dambeyntii Bayaanka ka soo baxay maanta Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegtay in Abuu-Mansuur uusan wax jago ah ka hayn Ururka Al-shabaab uusan ahayn Sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee dagaalgalinta  waxaan kale oo lagu beeniyey in wax lacag ah uu u soo guray Ururka Al-Shabaab.

Bayaanki Lagu Faafiyey barta ay Al-Shabaab ku leeyihiin twitterka Carabi

Bayaanki Lagu Faafiyey barta ay Al-Shabaab ku leeyihiin twitterka oo En ah

A/Cawale
Halgan.net

13 Comments so far

Leave a comment

  1. Acw maxaa loola yaabanyahay alamriiki waa shaqsi ka mid ah xarakada haddii laga qaaday howshii horey loogu idmaday wax dhiba ma ahan rag arimaha somalia uga waaweyn ayaa buul laga dhigay xaggee joogaa akhuunaa alamriiki

  2. ASC ruux walboo ku farxo aragtida mujaahidiinta ama ka dhigo in ay khilaaf tahay ,, waxaan oran lahaa ,, waxaad halis u tahay in aad xiqdi aad mujahidinta u qabto cadaab ku gasho ee ixdar

  3. ASC WR WB WALLAALAHA DHAMAANTIIN WAXAAN IDINKU SALAAMAYAA SALAAN ISLAAMKA
    WAXAA ALLE MAHADII INAY MAANTA CAGTA SAAREEN WAA MADOOBEED EE BURBURKA
    EE IN MUDA AH LOOGA DIGAYE CULUMADUNA AY DHAHAYEEN SIDAAN WAX KUSOCON
    MAAYAAN SIDAAN WAXA HALAGA BADALO AYAGU AY DHAHEEN ANAGAA CIDII WAX NOO SHEEGTO WAA MURJIO OO CULUMADA DHIIGOODA LAGU BANESTAY CULUMADA IYO QOFKASTANA AY TUHMEEN MAANTA WAXAY MARAYSAA INAY AYAGA IS TUHMAAN OO SEEFTA QOORKA LESKA SAARO TANI WAXAAN UMALAYNAYAA WAX KABADAN AYAA JIRO EE TAN KARKAARKA AY SOO JABSATAY MARKI IN MUDA AH LA CELINAAYE
    HADAA XUSUUSATAAN WAATOW SH XASAN DAAHIR MAR HORE KA QEYLIYE KANA COWDI BILAYSTAY DHAQANKA AY KU DHAQMAYAAAN WAXAY AHEED MAALMA DHAWEED MARKOW MAXAMED MACALIN KU DHAWAAQAY GOONI ISU TAAG
    WAXAAN ORAN LAHAA AAN SUGNO BAL MEESHAY HADII AAN MOWDKA KA BADBAADNO INSHA ALLAAH ILLAHAY ANAGANA TOWBADA IYO TOWFIIQDA HANA WSAAFAJIYO AMIIIIIIIIIIIN WSC WR WB

  4. Salaamu calaykum
    walaalaha waxaan oran lahaa laftigiina ha danbaabina Al-Shabaab iyagaa wadanka Jooga Alamriikina idinka yaqaan amuu Jasuus yahay ma idinkaa og hadii loo naseexeeyey oo uu diiday looma hadli karo haday dhahaan maxaa ku jaban tan kale dalka iyo Diinta ma Al-Shabaab kaliya baa leh may soomaali iyo culumadeede difaacaan war alle ka baqa oo niyaadka ha tuhmina ma lihi shabaab khalad ma galin nacam wey ku jiraan ee waa in loo naseexeeyaaa

    ws

  5. Sw
    Salaanta Islaamka ka dib walee maalin walba waxaa soo baxaya wixii ay culumada Soomaaliyeed sheegi jireen kuwaana ha qeyliyaan waligooda iyagaa umadii Islaamka dhibay gaalana u soo horkacay umada uga cararay gaalo .Gaaladii waxay qabsadeen Muqdisho ilaa Jowhar maxay hal marna u dagaalami waayeen Al-Shabaab jihaadka ma la ordaa mise waa la sugnaadaa.

  6. السلام عليكم ورحمةاللة

    wixii ay dad muslinka ku hayeen bay isku hayaan dil is tuhun iyo is dhaleeceyn acuudubilaah kuwaan ilaahay ha soo hanuunsho

  7. السلام عليكم ورحمةاللة وبركاتة

    walaaha bayaanka ma jiraa horta haduu jirana maxaa wakhtigaan ku soo aadiyey xili dhul badan laga qabsaday Al-Shabaab.
    sw

  8. بسم الله الرحمن الرحيم
    السلام عليكم

    walaalaha waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka waxba ha la yaabina wa suna kowniya oo wixii Aljeeriya ka dhacay iyo Ciraaq baa soo socda waa lagu yaqaan kuwa xadgudubka iyo takfiirinta dad muslinka ah in ay marka danbe dib isku soo laabtaan isna baabiyaan .. ilaahay kuwaan umada ha dhaafiyo gaaladana alaha dalka nooga saaro aamiiin.

  9. Cajiib weeyey walaahi war ninka amuusan nooleyn wili ama yemen iyo Buuraha Golis soo galay aduunow xaalkaa ba,marka culumada warkoodii la diiday bay is tuhmeen waxaan ku qoslay kkk bal inta ila dhugta(وفي الختام فإننا نقدم إعتذارنا الشديد للأمة الإسلامية عامة و لإخواننا المجاهدين في كل
    الجبهات خاصة عن مشاهدتهم لمثل هذه التصرفات الصبيانية، ونطمئنهم بأن قافلة
    الجهاد لن تنحرف عن مسارها بإذن الله، وأن معنويات الأمة العالية لن يضعفها هذا الهراء
    والتهم الباطلة من قبل أهل الأهواء والمقاصد السيئة الذين يريدون إبراز صورتهم ومكانتهم
    على حساب الجهاد والمجاهدين ناشرين بذلك الفوض ى والفرقة والخلاف

  10. Walaalaha islaam salaamulaahi calaykum warxmatuhu wabarakaatu
    Waxaan fahmi waayey waxa uu Al amriki ka qabanayo Soomaaliya rag somaliya Jihaadi kara waa joogaan runtii aad baan uga shakisanahay ninkaan in shabaab loo soo diray oo uu Agent yahay

  11. Salaamuclkumwrbrk

    waxaan mahad leh in alle subxaanahu watacaalaa uu umadiisa kala xukmin doono kuwa dhiiga muslinka in badan qubay kuna faani jiray haday maanta iska saarayaan biritana iyaga birta iska aslayaan waa cajiib Al-Amriki wuxuu ahaa ninka xukuma Al-Shabaab ee yey been noo sheegin iskuna kaaya oohin alshabaab
    shukran

  12. salaamu laahi calaykum

    waxba ha la yaabina waxaa la galay marxaladii labaad oo ay sii kala qeybsami lahaayeen isna xukumi lahaayeen ee bal aan sugno

  13. Salaamu Calaykum

    waxaan runtii aad ula yaabay hadalka ah Abu Mansuur Al-Amriki ma ah sarkaal ka tirsan ama xil u hayey Al-Shabaab sow ka qeyb galayey maxfalada Al-Shabaab iyo midowgii Xisbiga Xasan Daahir iyo Al-Shabaab sow ma ahayn ninka tababarka siin jiray boqolaalka lagu soo tababari jiray Bay iyo Bakool iyo Sh/hoose maxay tahay sarkaal na tababara maaha waxaanse kaloo aad ula yaabay hadalka (بل كان أمرا مخططا له يهدف من خلاله أبومنصور إلى لفت
    الإنتباه لخلاف مزعوم بين المجاهدين وليحصد نتاج بذور الفرقة والشقاق التي بذرها في
    الوقت الذي كان يتعرض فيه المجاهدون لضغوطات شديدة،
    ولكن الله سلم ورد عليه
    كيده وأفشل مخططه فوقع في شر أعماله >ولايحيق المكر السيئ إلا بأهله<.)waxaan u fahmay in uusan joogin meel ay gaari karaan haduuba nool yahay
    sw

Leave a comment

*