Wafdi ka socda DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

December 27, 2012 - Written by

Kismaayo:-Waxaa goor dhowayd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdigii ka socday DFS kuwaas oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka XDS.

Wafdiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay wasiirka cadaaladda iyo garsoorka DFS Cabdullaahi Ebyan,wasiirka G/dhiga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka  arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Cilmooge Xirsi.

Wafdigan ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaan maamulka ku meel gaarka ee haatan ka dhisan magaalada Kismaayo iyo saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo waxaana ay ka wada hadli doonaan amniga iyo sidii loo mideyn lahaa Ururka Raaskambooni iyo ciidamada DFS .

Warar hoose oo ay Halgan.net si hoose u heshay ayaa sheegaya in wafdiga DFS ee saaka soo gaaray magaalada Kismaayo ay hordhac u yihiin socdaal uu Madaxweynaha DFS ku tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online