Wafdi ka socday Midowga Afrika oo maanta gaaray gobolka Shabeellaha hoose.

December 18, 2012 - Written by

Afgooye:-Wafdi ka socda Midowga Afrika ayaa maanta socdaal ku tagay degmooyinka tirsan gobolka Shabeellaha hoose waxaana wafdiga horkacayey sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha bini’aadannimada ee Midowga Afrika waxaana socdaalkiisa ku weheliyey saraakiil ka tirsan DFS.

Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose Cabduqaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidi ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in wafdiga ka socday Midowga Afrika ay kormeer bini’aadannimo ku tageen deegaano ka tirsan gobalka Sh/hoose oo ay ka mid yihiin Shalaanbood,Marka iyo Ceeljaalle si ay ugu guurgalaan xaalada dadka ku dhaqan halkaas wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada wafdiga AU-da

Cabduqaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidi Guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in xaalada dadka ku dhaqan deegaanada ay booqdeen wafdiga ka socda Midowga Afrika ay dhibaateysan yihiin ayna u baahan yihiin in la gacan qabto.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobey ee maanta gaaray deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha hoose ayaa kormeer ku tagay xarumaha caafimaadka ee gobalka Shabeellaha hoose waxaana diyaarad looga soo qaaday magaaalada Muqdisho wafdjigan ayaa ka koobnaa hay’adaha UNDP, WHO, UNICEF waxayna balan qaadeen in ay dib howlahoodii uga bilaabi doonaan gobalka Shabeellaha hoose.

 

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online