Wariyihii BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo maanta lasii daayay

December 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lasii daayay wariyihii BBC-da ee magaalada Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan ka dib dadaal badan ay bixiyeen odayaal iyo waxgarad ku sugan magaalada Muqdisho .

Maxkamadda ciidamada DFS ayaa waxay xabsiga dhigeen toddobaad ka hor  wariye Ibraahim Maxamed Aadan iyaga oo ku eedeeyey  inuu ka baahiyay BBC-da warar been abuur ah oo ku saabsan xukunno ay ridday maxkamadda ciidanka Melatariga ee Dowlada federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DFS, Liibaan Yaroow ayaa sheegay in dacwadda loo heystay  wariye Ibraahim Maxamed Aadan uu isagu qirtay ayna BBC raali galin ka bixisay .

Wariye Ibraahim Maxamed Aadan ayaa markii laga sii daayey xabsiga dhexe ee DFS ayaan warbaahin la hadlin isaga oo ay ka muuqatay daal.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online