Wasiirka G/dhiga DFS Cabdixakiin Xaji Fiqi oo kormeer ku tagay deegaanka Qalimoow

December 1, 2012 - Written by

Afgooye:-Wasiirka G/dhiga DFS Cabdixakiin Maxamuud Xaji Fiqi iyo saraakiisha milateriga ee ciidanka DFS ayaa saaka kormeer ku tagay  difaacyada hore ee ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo ku sugan deegaano ku dhow Jowhar iyo gobalka Shabeellada hoose .

Wasiirka G/dhiga DFS Cabdixakiin Maxamuud Xaji Fiqi ayaa kormeerkiisa waxaa ku weheliyey Taliyaha ciidamada DFS  C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka AMISOM waxaana uu wasiirku gaaray deegaanka Qalimoow oo ku dhow magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe .

Taliyaha ciidamada DFS  C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxrbixin kooban siiyey wasiirka G/dhiga ee DFS isaga oo uga warbixiyey halka ay marayaan howlgalada ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in ciidamada ay diyaar u yihiin in la wareegaan goobaha kale oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab taliyaha ayaa uga digay sidoo kale ciidanka in ay waxyeelo u geystaan shacabka .

Wasiirka G/dhiga DFS Cabdixakiin Maxamuud Xaji Fiqi ayaa waxaa uu sheegay in askarigii wax dila ama kufsi lagu qabto la toogan doono si loo fuliyo amarka Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud.

Wasiirka Difaaca ee DFS ayaa sidoo kale waxaa uu u mahad celiyey ciidanka DFS  wuxuuna sheegay in xuquuqda Ciidanka ay ilaalin doonto DFS wuxuuna ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin difaaca dalka  wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay qorshaha koowaad ay fulineyso uu yahay in ay la wareegaan degmada Jowhar oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online