Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiim Xaaji Maxamud Fiqi oo gaaray Garbahaarrey

December 15, 2012 - Written by

Gedo:-Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo waxaa halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey  Mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidan oo ka tirsan DFS .

Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi ayaa waxaa socdaalkiisa  ku wehliya saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFS waxaana socdaalkooda lagu sheegay in ay u kuurgalayo xaalada magaalada Garbahaarrey iyo  cabashada saraakiisha ciidanka DFS ee ku sugan Gedo o sheegay in taageero aysan ka helin madaxada dowlada Soomaaliya

Wafdiga Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamud Fiqi  ayaa waxay haatan kulamo kula leeyihiin Xarunta WFP ee Degmada Garbahaarey Mas’uuliyiin maamulka gobolka, kan degmada iyo Ururka Ahlusuna ee gacanta ku haya magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Ciidamada DFS oo taageero ka helaya ciidanka Itoobiya ayaa Ururka AlShabaab kala wareegay Degmooyinka Garbahaarey, Luuq, Beledxaawo iyo Ceelwaaq waxaana ay ciidamada Al-Shabaab wili gacanta ku hayaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ee gobalka Gedo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online