Wasiirka G/dhiga iyo Saraakiil ka tirsan DFS oo u dhoofay wadamada Kenya iyo Ugandha

December 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS ayaa waxay u ambabaxeen dalalka Kenya iyo Uganda waxaana socdaalkooda lagu sheegay in wasiirka G/dhiga uu kala hadli doono masuuliinta labada dal sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ayaa maanta waxaa u la kulmi doonaa wasiirka G/dhiga ee dalka Kenya Yusuf Xaaji waxaana ay ka wada hadli kula kulmi doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga xaga amaanka iyo dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee ka socda gobalada Jubooyinka.

Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ayaa intii uusan ka dhoofin Garoonka diyaaradaha ee Aden Cabdulle waxaa uu sheegay in socdaalkiisa ku saleysan yahay xoojinta howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxaana uu rajo ka muujiyey in ay ciidamada huwanta ay dalka oo dhan ka saaraan ciidamada AL-Shabaab.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo dhigiisa dalka Uganda Crispus Kyonga, waxaana uu kala hadli doona howl galada ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada DFS ayaa waxay taageero melatari ka helaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaas oo ka kala yimid wadamada Jabuuti, Ugandha ,Kenya iyo Burindi .waxayan ka qabsadeen Ururka Al-Shabaab deegaano  kala duwan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online