Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan DFS oo lagu weeraray duleedka degmada Marko

December 3, 2012 - Written by

Marko:-Wafdi iskugu jira wasiiro iyo saraakiil ka tirsan DFS ayaa maanta si dirqi ugu badbaaday weerar dhabagal ah oo ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Ururka  Al-shabaab duleedka Degmada Marka ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga saaka la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha DFS C/kariin Xuseen Guuleed ,Wasiirka G/dhiga DFS,iyo taliyaha ciidanka Booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye kuwaas oo xalay u hoyday Degmada Marka kuna sii jeeday saaka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah gawaaridii galbineysay wafdiga DFS ay miino la kacday taas oo sababtay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac  waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee DFS C/Qaadir Maxamed Nuur  Siidii, ayaa goordhow waxaa uu la hadlay warbaahinta isaga oo xaqiijiyey in wafdiga DFS la weeraray ayna jiraan khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidanka DFS iyo ciidamada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Waa markii labaad isbuucaan gudihiisa oo masuuliin ka tirsan DFS ay si dirqi ah uga badbaadaan weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online