Wasiiro ka tirsan DFS oo golaha Baarlamaanka hortagay maanta

December 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Golaha Baarlamaanka ee DFS ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho iyaga oo su,aalo weydiiyey wasiiro ka tirsan DFS waxaana ka mid ahaa wasiirka G/dhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) iyo R/wasaare ku xigeenadda ahna wasiiradda arimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan .

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DFS Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan  (Jawaari) ayaa furay golaha waxaana uu u gudbiyey laba wasiir ee looga yeeray Baarlamaanka in ay jawaab ka bixiyaan xariga wariye ka tirsan BBC-da  iyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga oo shirkad laga kireeyey.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa ku horeeyey in u ka jawaabo xarig ay maxkamada ciidanka melatariga ay ku xukuntay wariye u shaqeeyey BBC-da oo magaciisa la yiraahdo  Ibraahim Maxamed Aaden mudo ka badan Isbuuc u xirnaa DFS wasiirka ayaa sheegay in wariye  Ibraahim Maxamed Aaden uu war been ah ka faafiyey ciidanka DFS ka dibna laga dalbay in uu soo xaqiijiyo warka uu siiyey BBC-da balse uu keeni waayey ka dibna la xiray.

R/wasaare ku xigeenadda ahna wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana ka jawaabtay sababta Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga looga kireeyey shirka gaar ah waxayna sheegtay in howsha ay ka horeysay balse ay aqbali doonin in hantida qaranka cid ay kú takri fasho waxayna si guud u sheegtay in madaxda DFS ay arinkaas kala hadashay gudina loo saaray .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online