Xaflada loo qabtay ciidanka daraawiishta Puntlland oo ka dhacday Boosaaso

December 18, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtoyada Puntland ee magaalada Bossaso  Xaflada balaaran oo loo qabtay ciidanka Daraawiishta ee dowllada Puntlland xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Saraakiil ,Saraakiil xigeeno iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada amniga ee Puntlland.

Xaflada xalay ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ,taliyaha Ciidanka madaxtoyada Cumar Cabdulaahi Taliyaha ciidanka Booliska , Taliyaha ciidanka nabadsugida, Taliyaha Sirdoonka  iyo taliyaha ciidanka Dekkadda Boosaaso.

Taliyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen,Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo hadal kooban ka jeediyey xaflada ayaa wxaa uu mahad balaaran u jeediyey ciidanka daraawiishta Puntlland isagoo ku amaanay sida wanaagsan oo ay u sugeen amaanka degaanada Puntlland isagoo ku nuuxnuuxsaday in xaflada sidaan oo kale ah aysan ka dhici lahayn haddii ay ciidanka dowllada Puntlland aysan sugin amaanka iyo nabadgelyada gobollada Puntlland ay maamusho.

Taliyaha Guud ee ciidanka difaacad Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa xusay in Puntlland ay leedahay cadaw badan oo hadba shaar cusub soo xirta ayna ka war hayaan ciidanka dowlladu talaabo ku haboona ay ka qaadi doonaa cid walba oo isku daynada in ay khalkhal geliso amaanka iyo nabadgelayada ka jirta Puntlland.

 Gen.Siciid Dheere ayaa waxaa uu sheegay in xafladaan ay tahay mid lagu dhiiri gelinayo ciidanka dowlada  Puntland si ay ugu istaagaan difaac midnimada  iyo jiritaanka Puntlland.

Xaflada xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee loo qabtay ciidanka ayaa ku soo beegmaysay kulamo ay uga  socdaan magaalada Boosaso Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole  iyo taliyaasha ciidanka Puntlland oo ilaa hadda aan la shaacin wixii ka soo baxay. 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online