Sh C/raxmaan Sh C/laahi oo si cilmiyaysan uga jawaabay gaaleysiintii Sh Xasaan Jamaacada Ictisaam (Akhriso)

January 29, 2013 - Written by

Madiina:–Shabakada Wararka ee Halgan.net ayaa caawa waxaa soo gaaray Risaalo uu qoray Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar (Abu Cabaas Al-Madani)Risaaladan ayaa Sheekh Dr C/raxmaan waxaa uu uga Jawaabayaa Risaalo uu qoray Sh Xasan Xusen oo ugu magac daray الإعانة لطالب الإفادة taas oo uu Sheekh Xasaan uga jawaabay Su,aalo uu weydiiyey Sheekh Dr.C/raxmaan Sh C/laahi Cumar .

Halkan ka eeg Su,aalihii uu weydiiyey Sheekh Dr.C/raxman Sheekh C/laahi Cumar  Sh Xasaan  أسئلةٌ موجهةٌ إلى الشيخ حسان حسين آدم Halkan ka eeg Jawaabtii uu Bixiyey Sh Xasan Xusen Aden الإعانة لطالب الإفادة

Risaalada Cusub ee uu caawa na soo gaarsiiyey Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar ayaa ah Risaalo uu horey u balan qaaday waxayna ka kooban tahay 180 bog wax ka badan waxaana uu Sheekh dul istaagay Risaaladii Sh Xasaan isaga oo 14 waqfo is dultaagay.

Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar ayaa sidoo kale ku sheegay Risaaladiisa in uu su,aalihii uu weydiiyey Sh Xasan Xusen uusan ka jawaabin oo uu hareermaray waxaana uu Sheekhu soo bandhigay maxalka Nisaaca iyo Aqwaasha Culumada waaweyn ee laga qadariyo caalamul Islaami iyo fataawo kala duwan .

Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa uu Risaaladiisa ku xusay in Sh Xasaan uu Kitaabkiisa الإعانة لطالب الإفادةee uu qorey Sh Xasaan uu soo qaatay Nuquulaad uu Leeyahay Sh Abu Qataada Al-Falastiini Isaga oo aan xusin Masdarka.Halkan ka eeg Akh C/Casiis oo soo Bandhigay sida uu nuquusha Abu Qataada u soo qaatay Sh Xasaan . Bishii July 19, 2012.

Risaalada uu Caawa na soo gaarsiiyey Sheekh Dr.C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar ayaa waxaa uu ugu magacdaray الإبانة عما في كلام صاحب الإعانة من الحيدة عن الإجابة والوقوع في شَرَك الغواي .

Sheekh C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar ayaa sidoo kale ku xusay in Sh Xasaan Xusen uu Gaaleysiiyey jamaacada Ictisaam isaga oo ka jawaabay dhamaan shubahaadka uu cuskaday Sh Xasaan Xusen.

Halkan Ka Akhriso Risaalada Jawaabta u ah Kitaabkii ooPDF Ah.

Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Bismi allah.
    ASC WR WB salan kadib wallaha waxaan ka cosanayaa inta aysan xukun ridin in la aqriyo 2maqaal, cidii aqrinkarta. markii aad aqriso 2qormo ee shuyuukhdu soo qoreen hadii uu mid kula saxsanaado markaas ka soo jawaab waxa aad ku dhaliilayso kankale. iyo halka looga saxsanyahay. adiga oo soo cop yanaya waxa aad aadka kula yaabka badan ee aad aragto. si dadku kaaga faa´iidaystaan. WSC WR WB:
    waxaan u mahad celinayaa bacda,allah webkan halgan.net oo had iyo jeer noosoo gudbiya umuuraha islaamka.

  2. wadmahadsantihiin halgan masha allah waa maqaal qurxoon lakin waxan codsaneynaa in afsomali laga dhigo

  3. masha alah dr shekh cabdiraxmaan ilahay ha xifdiyo runtii ma uusan islahayn xassan arintu halkanay gaadhi lkin waxaa ilahay mahadii ah in uu umadena ku arzaaqay culimo sidanoo kale ubayaamiya manhajka saxda ah kana diga dadka lunsan ee dhalinta marin habaabinaya alah noo xifdiyo dhamaan culimadeena dacwada kashaqaynaysa xassaana alaha soo hanuuniyo

  4. waa qoraal aqoon xwwldheeri ka muqato oo ku qotoma manhajkii ahlusunnaha ee la yaqaanay waxaan filayaa ragga takfiirka rabay inay dadka uga dhigaan manhajkii ahlu sunnaha ee xassaan kabiirka u yahay in kitaabkani xad u yeelay maanta wixii ka danbeeyana si cad loo kala garan doono manhajka ahlusunnaha iyo manaahijta munxarifka ah ee la doonayo in dadka aqoontoodu yartahay lagu caameeyo oo lagu lumiyo

Leave a comment

*